shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’isulwasaaraha Oo Kulan Balaadhan La Qaatay Jaaliyadda Sweden

(Stockholm, Sweden, March 02, 2012 Ceegaag Online)

R/wasaaraha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan balaadhan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden iyada oo hool weyn oo ku yaalo Magaalada Stockholm ay isugu yimaadeen dadweyne aad u fara badan kuwaas oo si weyn u dhowrayey fariinta r/wasaaraha iyo su’aalo fara badan oo ay weydiinayeen Madaxda Qaranka.

Wafdiga R/wasaaraha oo ay ka mid ahaayeen R/wasaare xigeen ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Mudane Cabdi wahaab Ugaas Xuseen, iyo Ambasadoor Nuur Xasan Xuseen, iyo xubno kale ayaa waxa ay ugu horeyn dhageysteen  khudbadaha  xubnihii halkaasi ka hadlay kuwaas oo soo dhaween iyo hambalyo ka dib halkaasi ku soo bandhigay talooyin iyo dardaaran la xiriiray howlaha dowladda federalka  ah  ee ka wado gudaha wadanka, waxa ayna dhamaan qurba joogtii hadashay ay ka sinaayeen in ay u heelan yihiin ka qeybgalka dib u dhiska dalka Soomaaliya.

R/wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo halkaasi khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka xogwaramay ujeedada socdaalkiisa oo ka dambeysay ka qeybgalka kulankii  London, iyo casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dalalka Norway iyo Sweden oo uu ku tilmaamay in ay yihiin dalal muhiim u ah geedi socodka qorsho howleedka loogu jiro xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Khudbada R/wasaare Gaas oo dhinacyo badan taabanasay ayaa qurbo joogto waxa uu si gaar ah kula dardaarmay in xiligan ay tahay waqtigii ay dalkooda ku soo noqon lahaayeen  ayna maalgashan lahaayeen.

Markii aan ka xureynay kooxda Alqaacida Muqdisho maalmo gudahood dhamaan xaafidhii waxa ay ku soo noqdeen sidii ay ahaayeen oo maba la moodeyn in ay burbureen, marka taasi waxaa kaaga cad in  daaro burbursan la dhisan karo laakiin maskax burburtay lama dhisi karo, sidaasi daraadeed hadii  aad tihiin qurbo joogtii aqoontiina la kaalaya dalkiina waa la idin baahan yahaye” sidaasi waxaa yiri Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas R/wasaaraha Soomaaliya.

Goobta xaflada ka socotay ayaa waxaa si lama filaan ah u timid Dr. Maryan Aweys oo  aheyd wasiirkii hore ee arimaha haweenka iyo qoyska  taas oo ku amaantay R/wasaaraha  dadaalkiisa oo ay ku tilmaamtay naftii  hure iyada oo sharaxaad dheerna ka bixisay  muhiimada hishiisyadii Garoowe iyo kii Ugandha, iyada oo tusaalooyin muhiim ahaa  halkaasi ku soo bandhigtay.

Gunaanadkii kulankan balaaran ayaa waxaa R/wasaaraha lagu gudoonsiiyey ubaxyo iyo abaal marino kale oo qaali ah iyada oo ka qeybgalayaasha xafladana  ay halkaasi su’aalo ku weydiiyeen R/wasaaraha  kuwaas oo u badnaa dhinacyada nabadgalyada iyo doorka haweenka iyo dhalinyarada waxaana uu horey Ra’isulwasaare C/weli sidan oo kale ula soo kulmay Jaalliyadaha dalalka Norway, Italia, Engaland, Biljamka iyo USA.

Daawo Sawirada

Xigasho:Radimuqdisho

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com