shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maydka Marxuum C/laahi Yuusuf oo lakeenay Muqdisha loona qaaday Gaalkacayo Si loogu aaso markii loo oogay salaadii jinaasada dabadeed

 

(Muqdisho  March 25,  2011 Ceegaag Online)

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa saaladda Jannaasada kaddib Tacsi u diray dhammaan ummada Soomaaliyeed iyo ehelladii uu ka geeriyooday madaxweynihii horre ee Soomaaliya,  iyadoo madaxweynaha Jamuuriyadda  uu ummadda ku boorriyiay in ay u duceeyaan marxuumCabdullaahi Yuusuf Axmed.

Markii ay soo idlaatay Saaladda Jannaasada ee lagu Dukaday madaxweynihii horre ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa waxaa hadallo kooban jeeddiyay madaxda dowladda waxaana haddalka ku horreeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali, waxa uuna sheegay in Marxuum Cabdullaahi Yuusuf uu ahaan shaqsi ummadda Soomaaliyeed ku reebay taariikh weyn isla markaana ay Alle uga baryayaan in uu Jannadii Fardowsa ka warraabiyo.

Sidoo kale madaxweynnaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo isna haddal kooban jeeddiyay ayaa ugu horreyn Tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed ehelladii uu ka baxay madaxweynihii horre ee Soomaaliya, waxa uu tilmaamay madaxweynaha in ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in iska cafiyaan walaalkooda, isla markaana ay u duceeyaan.

Madaxweyne Shariif ayaa yiri, “aniga iyo marxuumka waxaa ina dhaxeeyay cilaaqaad wanaagsan, waxaan ku wada xiriir jirnay qadka Teleefanka, waxa uuna ahaa shaqsi jecel dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya, Alle waxaan uga baryeenaa in uu Jannadii Fardowsa ka warraabiyo.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahad celiyay dowladda Yemen iyo Isuga Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in ay ka codsadeen in ay si gaar ah ula socdaan xalaadda mudune Cabdullaahi Yuusuf, isagoo ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay bixinta dhammaan Deemaha lagu leeyahay madaxweynihii horre ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

www.ceegaag.com  

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com