shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Siilaanyo oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada, qaarna xilalkoodii ka xayuubiyay 

(Hargeysa, March 14, 2012  Ceegaag Online)

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xilalkii ka xayuubiyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, isla markaana magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-

1.      Cabdicasiis Maxamed Samaale  Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada

2.      Axmed Cabdi Xaabsade Waxa loo magacaabay Wasiirka  W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

3.      Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe) Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta

4.      Cali Siciid Raygal  Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka

5.      Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada

6.      Cabdilaahi Abokor Cismaan  waxa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga

7.      Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) waxa loo magacaabay Wasiiru-Dawle Cusub Wasaarada Maaliyada.

8.      Mawliid Maxamuud Ibraahim waxa loo magacaabay Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda

9.      Nuux Sheekh Muuse Ducaale waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha  

10.  Maxamed Cumar Cabdilaahi waxa loo magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha 

11.  Mudane Axmed Xuseen Oomane waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan

Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa xilalkoodii ka xayuubiyay xubnahan kala ah:

1.      Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirka Wasaarada Maaliyada

2.     Prof. Ismaacil Muumin Aar Wasiirka Wasaarada H/guud iyo Guriyeynta

3.      Ilhaan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaarada Arimaha bulshada

4.      Axmed Xaashi Odey Wasiirka wasaarada boostada iyo isgaadhsiinta

5.      Cabdi Siciid Faahiye Wasiirka wasaarada dhalinyarada ciyaaraha iyo dhaqanka

6.      Warsame Siciid Cabdi Wasiir K/xigeenka Maaliyada

7.      Maxamed Yoonis Cawaale Wasiir k/xigeenka Arimada dibada

8.      Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil Gudoomiyaha Hay'adda shaqaalaha

9.      Axmed Cali Xirsi (Sulub) Ku xigeenka gudoomiyaha hay'ada shaqaalaha

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com