shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Soomaaliya oo Ummada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed.

(Muqdisho, Mar 23, 2012 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa Tacsi u diray ehelladii, qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeedba geeridii naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo saaka ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdu ay Aas qaran u sameyn doonto madaxweynihii hore ee Soomaalia Allaha u naxariistee C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna intaa ku daray in dowladdu magacaabi doonto guddi qaran oo soo qabanqaabiya aaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

Dhinaca kale madaxweyne Sheekh Shariif ayaa madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf Axmed ku tilmaamay in uu ahaa shaqsi waddani geesi ah oo jeclaa horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay in Allaah uu ka waraabiyo Jannadiisii Fardowsa isla markaana eheladii, Qaraabadii iyo ummadda Soomaaliyeedba uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com