shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida oo tacsi u diray ummada Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geriyooday C/llaahi Yuusuf.

(Jig-jiga  March 26,  2011 Ceegaag Online)

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOTI”

Madaxwayanaha Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tacsi u diray ummada Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyyoday marxuum cabdullahi Yuusuf oo jimcihi ku geeriyooday dalka Isutaga Imaaradka Carabta. Madaxweyanaha uu munaasabdan darteed xafiiska ku martiqaaday warfidiyayaasha ku sugan Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegay in marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed ahaa hogaamiye laga yaqaanay Soomaaliya, Itoobiya iyo caalamkaba.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa marxuunka Illahay uga baryey in uu janno fardowas geeyo; qarabadii, qoyskii, ehelkiisana iyo dhamaan ummada Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin .... Aamiin

www.ceegaag.com

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com