shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Shariif oo si kulul ugu Jawaabay Ergayga QM ee Soomaalia Mahiga oo shalay ku eedeeyay dawlada inay maamulka dalka la wareegeen koox uu ku tilaamay Ahlu-Sheekh

(Muqdisho, March 05, 2012 Ceegaag Online)

Ahlu-sheekh ayaa dalka xukunkiisa isku koobaya inqilaabayna madaxtooyada waa koox aan waxba dhaamin Al-shabaab balse iyagu hub ma isticmaalayaan waa hadaladii kasoo yeedhay Ergayga QM ee Soomaalia Mahiga shalay mar uu kormeer ku marayay furimaha dagaalka ee Caasimada.

“Wixii uurka kaa jira Afka ayaa kaa xada” kadib guulaha balaadhan ee ay gaadheen ciidamada qalabka sida iyaga oo kaalmo ka helayay ciidamada AMISOM oo dalkau yimid ladagaalanka Kooxda Al-shabaab ayaa Ergayga QM ee Soomaalia Mahiga aad uga bajisay ina dawladu dalka gacanta ku dhigto oo nidaamkii iyo kaladanbayntii soo noqoto oo uu isna halkaa ku shaqo waayo taasoo markaliya kasoo fakatay inuu is yidhaahdo kala dir oo kala daadi dawlada Soomaaliya.

Dhinaca kale Ahlu-Sheekh” waa koox ay ku mideysan yihiin ragii madaxda ka ahaa maxkamadihii islaamka hadana ku nool dhanka dowlada . Kooxdaan waxaa ay leedahay hogaan udhisan qaabkii amiirkii oo wali loo raacayo wadadii maxkamadahii 6-da bilood waxaana madax ka ah Sheekh Shariif Sh.Axmed


Magacyada kale ee “Ahlu-Sheekh” laga xusi karo waxaa kamid ah Sheekh Cabduqaadir Cali Cumar oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii golihii fulinta ee maxkamadihii islaamka ,Sheikh C/raxmaan Maxamuud Faarax “Janaqow” iyo rag kale . Mahiga waxaa uu sheegay in kooxdan aaney hubeysneyn hadana sidaas oo ay tahay ay xoog ku heystaan madaxtooyada .Laakin waxaa fakir midkaas ka duwan qaba siyaasiga C/laahi Shiiq Xasan oo madax ka ah xisbiga isbaheysiga nabada kaas oo sheegay in “Ahlu-Sheekh” ay tahay koox hubeysan madama uu kasocdo madaxweynaha oo gacanta ku haya hubkii qaranka.
 

Qaar kamid ah Xildhibaanada Barlamaanka Soomaalia ayaa sheegay in ay aad utaageersan yihiin Khilaafka Xoogan ee ka dhex dilaacayv Ergayga QM ee Soomaalia Mahiga iyo Madaxweynaha Soomaalia Shariif Sh Axmed. Xildhibaanadan oo ah kuwii dhawaan xilka ka qaaday Shariif Xasan Sh Aadan oo kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in Khilaafka Mahiga iyo Sh Shariif uu soo dadajin karo in xal laga gaaro Siyaasada Soomaalia.


“Waxaan aad usoo dhaweynaynaa oo aan taageereyna hadalkii shalay kasoo baxay Madaxweynaha Dowlada kaas oo jawaab cad u ahaa Mahiga”ayuu sheegay Madoobe Nuunow Maxamed oo shuir gudoominayay Kulanka. “Kadib eedeyntii Mahiga iyo hadalkii Sh Shariif ee ahaa in Mahiga Marada ka dhacday, waa mid wanaagsan Khilaafkoodana xal ayaa ku jira”ayuu hadalkiisa raaciyay.


Xildhibaanada ayaa Ergayga gaarka ah ee Soomaalia uqaabilsan QM ku eedeeyay in uu amaan xumo doonayo isla markaana ay ku tala jiraan sidii ay xilka uga ridi lahaayeen . Dhanka kale Xildhibaanada ayaa tilmaamay in ay ku guda jiraan qaabkii looga bixi lahaa xaalada kala guurka ee xiligan dalka uu ku jiro. Dhawaan ayaa Ergayga QM ee Soomaalia Mahiga waxaa laga soo xigtay isagoo dhahaya “Xarunta Madaxtooyada waxaa Afganbi ku qabsaday Xerta Ahlu-Sheekh, Halka Sh Shariifna uu ugu jawaabay “Mahiga haduu hadalkaas yiri Maradaa ka dhacday aniga wax kale ma dhahayo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com