shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Shariif oo kormeer indho indheen ah ku tagay mashaariicda horumarineed ee ka socda Muqdisho

 

(Muqdisho  March 31,  2011 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kormeeray xarummo ay walaalaha Turkigu ka hirgelinayaan mashaariic kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdisho. Kormeerkan uu maanta sameeyey Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo  ahaa mid uu ugu kuurgalayey qaabka ay u socdaan dhismooyin mashaariic ah oo walaalaha Turkigu ka hirgelinayaan gudaha magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynuhu waxaa uu ugu horeyn ku tagey qaybo ka tirsan degmada Hodan.

Madaxweynaha ayaa waxa uu si gaar ah usoo eegay dhismooyin isugu jira Isbitaal, College Waxbarasho iyo xarun loogu talagalay quudinta kuwaasi oo hada dhismahoodu ka socdo nawaaxiga warshadii Kabka ee degmada Hodan waxaana uu Madaxweynuhu indha indheeyey sida dhismayaashaasi ay u socdaan isagoo dhanka kalena warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiin iyo injineero ka tirsan Turkiga oo uga warbixiyey halka ay howlahaasi mashaariicda lagu hirgelinayo marayaan.

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo markii uu kormeerkaasi soo gabagabeeyey kadib la hadlay saxaafadda ayaa ugu mahadceliyey dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga sida hagar la’aanta ah ee ay mashaariicdaasi u hirgelinayaan waxaana uu Madaxweynuhu dhanka kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka faa’ideystaan Mashaariicdaan horumarineed loona baahanyahay in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiligan ka soconaya mashaariic kala duwan oo dhismayaal horumarineed ah ayadoo kuwo kalena horey loo hirgeliyey balse kormeerkaan maanta uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku tagey goobaha mashaariicda laga hirgelinayo qaarkood ayaa ah mid lagu dar dar gelinayo hirgelinta mashaariicdaasi si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’ideystaan.

www.ceegaag.com  

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com