shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaaliyada Soomaaliyeed eek u dhaqan Washington DC oo taageeray maamul gobaleedka reer SSC ee Khaatumo.

(Washington DC, March 11, 2012 Ceegaag Online)

Xaflad heer Qaran u abaabulnayd oo ay jaaliyada Soomaaliyeed eek u dhaqan Washington DC oo taageeray maamul gobaleedka reer SSC ee Khaatumo ayaa sabtidii dhawayd ee besha Maarso ahayd sadexda ka dhacday caasimada wadankan Maraykanka ee Washington.

Xafladan oo ay soo agaasimeen Jaaliyada reer Khaatumo eeku dhaqan gobolada Veginia, iyo Ohio oo ay ka soo qaybgaleen Fanaaniinta reer Minasota ayaa waxaa kale oo ka soo qayb galay masuuliyiin horay uga soo shaqeeyay Jamhuuriyada Dimoqraatiga ee Soomaaliya siiba dawladii Alleha u naxariistee Janaral Siyaad Bare iyo kuwii la dhisay intii dalku galay burburkii Qaranimo.

Waxaa Xafladdan lagu casuumay  Faanaaniinta Reer Minnesota, Gabyaaga caanka ah ee Cabdisamiic iyo Dhalinyarradda Reer Ohio oo Riwaayadda u Soo ban dhigay dadkii isugu yimid xaflada.Masuuliyiintii xaflada ka hadlay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaanka dhiga Dowladdii Farmaajo Cabdikariim Fiqi sidoo kale xaflada waxaa ka hadashay Wasiir Ku Xigeen Arimaha Dibada Maamulka Khaatumo Farduus M. Mirre.
 

Marti sharaftii kale ee ka hadashay xaflada waxaa ka mid ahaa

Mudane General Maxamed Cali Abukar

Mudane Ambassador Maxamed garaad.

Mudane Cabdixamiid Islaam.
Professor libaan Cabdilaahi Cigaal.
Mudane Xassan Warsame
Mudane Xassan Cali Aw Yuusuf


Xafladan ayaa ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan iyo jaaliyadii halkaa ka soo xaadirtay oo taageero u muujiyay maamul goboleedka Khaatumo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com