shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Federaalka KMG oo Aas qaran u sameyneysa Madaxweynihii hore Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed

(Muqdisho, Mar 23, 2012 Ceegaag Online)

Xukuumadda Soomaaliya ayaa magacawday guddi soo diyaariya Aas Qaran oo loo sameeynayo Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, guddigaas oo maanta lagaga dhawaaqay kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha wasiirrada ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.

Kulankan degdeg ah oo ay maanta yeesheen xubnaha Golaha wasiirrada isla markaana uu shir guddoominayay Ra'iisal wasaare Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa lagu magacaabay Wasiirro iyo Xildhibaanno kuwaas oo soo qabanqaabinaya aaska qaran ee loo sameyn doono maxaxweynihii hore ee Soomaaliya oo saaka ku geeriyooday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Xubnaha guddigaasi waxaa ka mid ah Ra'iisal wasaare ku xigeen ahna wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdiwahaab Ugaas, wasiirka Arimaha dibada C/llaahi Xaaji  wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/qaadir Xuseen Maxamed, wasiirka Caafimaadka Dr. C/casiis Sheekh Yuusuf,  iyo xubno kale oo katirsan golaha wasiirrada iyo Baarlamanka.

Guddigaas ayaa durba gudagalay qaban qaabada iyo diyaarinta aaska qaran ee loo sameynayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyadoo Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qarankana ay billaabeen baroordiiqda Madaxweynihii hore, waxaana la joojiyay dhamaan barnaamijyadii caadiga ahaa ee ka bixi jiray.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com