shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

DHAXALKII RASUULKII (SCW) INOOGA TEGAY

(San Diego  March 29,  2011 Ceegaag Online)

  1. 1. $B!H(BDunida waad ka guuraysaan, waxaadna u guuraysaan xagga daar weligeed jiraysa;
    haddaba ka guura idinkoo wata camal khayr badan; waxaa na loo sheegay in dhagax
    lagu tuuray salka jahannama uu sii socon doono toddobaatan sano isagoon weli salkeeda
    gaadhin; wallaahay in la buuxin doono ma la yaabteen? Wallaahay waxaa na loo sheegay in jannada labadeeda albaab (irridood) loo socdo afartan sano, waxaana iman maalin ay cidhiidhi la buuxsanto$B!I(B. Waxaa weriyey Imaam Axmed.

  2.  Rasuulkii wuxuu yidhi $B!H(BAnigu kuma hadlo waxaan xaq ahayn$B!I(B. Allaheenna wuxuu yidh: $B!H(BWixii rasuulku dadka faro waa inay qaataan, wuxuu ka reebana, waa inay ka reebanaadaan (ka hadhaan)$B!I(B. (akhriso aayadda # 7 ee ku jirta suurat al-Xashr).

  3. B!H(BRuuxa Muslimka ah waa ka xaaraan Muslim kale xoolihiisa, sharaftiisa iyo dhiigiisa, waxaa shar ugu filan qof inuu xaqiro walaalkiisa Muslimka ah$B!I(B.
    (Waxaa weriyey Abuu Daawuud iyo Tirmidi).

  4. $B!H(BMa jiro dulmi iyo qaraabe gooys uga dhaw in Alle ciqaabta ifka uguso dadajiyo iyadoo tii aakhirona u dheertahay$B!I(B. (Waxaa weriyey Imaam Axmed bin Xanbal).

  5. $B!H(BDulmiga iska jira waa mugdiga yawmal qiyaamaha, bakhaylnimadana iska jira iyadaa halaagtay kuwii idinka horeeyey$B!I(B. (Waxaa weriyey Muslim).

  6. $B!H(BXoolahaaga waxa keliya aad ku leedahay waa waxaad cunto oo aad dhammaysato iyo waxaad xidhato (gashato) oo duug noqda iyo waxaad sadaqaysato oo hormarsato. Wixii intaas ka soo hadhay waad ka tegi oo u dhaafi dad kale$B!I(B.
    (Waxaa weriyey Muslim iyo imaam Axmed).

  7. $B!H(Biimaanka waxaa ugu fiican inaad ogaato in Alle kula joogo si kasta aad ku sugantahay$B!I(B.

  8. $B!H(BMu$B!G(Bminiintu saddex bay wadaagaan: $B!H(BDabka, daaqa iyo biyaha$B!I(B.
    (Waxaa weriyey Imaam Axmed iyo Abuu Daawuud).

  9. $B!H(BIbna aadanku hadduu dhinto wuu go$B!G(Baa camalkiisu saddex mooyee $B!H(Bcilmi lagu intifaaco, ilmo fiican oo u duceeya, iyo sadaqo socota ama jaari ah$B!I(B. (Waxaa weriyey Muslim).

  10. $B!H(BRuuxii akhrista suuraddaYaasiin habeenkii Alle dartiis waa loo dambi dhaafaa$B!I(B. Wuxuu kale rasuulku (scw) yidhi $B!H(Bwaxaan jeclaan lahaa inay ku jirto qalbiga ruux kasta oo ka tirsan ummadayda$B!I(B. (Waxaa weriyey Ibnu Xayaan).

  11. $B!H(BDambiyada kabaairka ah ama dambiyada waa wayn waxaa ka mid ah: gaalnimo, qof muslim ah oo xaq darro lagu dilo, ka cararka jihadka, waalidka oo la caasiyo, qof haween ah oo dhawrsoon oo lagu sheego dhillo, barashada iyo ku shaqaysiga sixirka ama falka, cunidda ribada, cunidda xoolaha agoonta si xaq darro ah, sinada, dhaarta beenta ah iyo marag furka beenta ah$B!I(B.

  12. $B!H(BWaxaa idiinku khayr badan kiina cumrigiiso dheeraado, camalkiisuna fiicnaado$B!I(B.

  13. $B!H(BFaqrigu wuxuu u dhow yahay kufrinimo ama gaalnimo$B!I(B.

  14. $B!H(BGeelo waa cisisi iyo sharaf, adhiguna waa barako$B!I(B.

  15. $B!H(BSu$B!G(Baashu waa cilmiga badhkiis$B!I(B.

  16. $B!H(BFadliga cilmigu wuu ka khayr badan yahay fadliga camalka$B!I(B.

  17. $B!H(BCamalka waxaa ugu fadli badan kiisa daaimka ah (joogto ah) haba yaraadee$B!I(B.

  18. Haweeynay madaw oo wax dhasha ayaa ka khayr badan qurux badan ma dhasho ah$B!I(B.

  19. $B!H(BHaweenka waxaa ugu khayr badan tan wax dhasha ee dabeecadda wacan ee
    qalbi fiican ama qalbi nugul.$B!I(B

  20. $B!H(BSalaadda jamac lala tukado waxay salaadda keli loo tukado dheertahay toddoba iyo labaatan (27) darajo.$B!I(B Waxaa weriyay Bukhaari iyo Muslim.

  21. Rasuulkii (scw) waxaa la weydiiyay camal la falo (gutto) kee ugu fadli badan? Wuxuu ku jawaabay $B!H(BSalaad waqtigeedii lagu tukado.$B!I(BWaxaa weriyay Abuu Daauuud iyo Tirmidi.

  22. Khaliifa Cuthmaan bin Caffaan, Alle haka raali ahaadee wuxuu yidhi, waxaan
    Rasuulka ka maqlay $B!H(BRuuxaa salaad cishe jamac la tukada, wuxuu la mid yahay isagoo habeenka nuskii salaad tukaday, ruuxii salaadda subax jamac la tukada wuxuu la mid yahay ruux habeenkii oo dhan salaad tukanayay Waxaa weriyay Muslim iyo Abuu Daauud.

  23. Xudayfa bin Al-Yamaan, Alle ka raali noqdee wuxuu rauulkii Alle ka weriyay inuu yidhi $B!H(BJannada ma gelayo qofka dadka isku dira oo warka u kala qaada.$B!I(BWaa xadiis la isku raacsan yahay (muttafaq calayhi).

  24. Abuu Hurayrah, Alle ka raali ahaadee, wuxuu rasuulkii (scw) ka weriyay inuu yidhi
    $B!H(BAmmaanada u celi ruuxii wax kugu aaminay (ammaano kuu dhiibtay), ruuxii adiga ku khiyaameeya, adigu khiyaamayn.$B!I(B Waxaa weriyay Abuu Daauud.
    Waxaa idiin soo diyaariyay Maxamed Sh. Cali Daad. Fadlan Alle abaal marin wacan Alle u weydiiya.

Waxaa idiin soo diyaariyay

Maxamed Sh. Cali Daad,

San Diego, CA, USA

mohameddad@hotmail.com

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com