shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Kenya oo laga yaabo inay ka baxaan Soomaaliya Oktobar 31, 2012

(Nairobi, March 04, 2012 Ceegaag Online)

Afhayeenka Ciidamada Milatariga ee wadanka Kenya  Col Cyrus Oguna  ayaa sheegay in ciidamadoodu ku biireen ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM sidaa awgeedna ay rajeenayaan inay Soomaaliya ka baxaan marka uu kadhamaado wakhtiga oo ku aadan 31ka bisha Oktobar ee sanadkan 2012.

Ciidamada Kenya ayaa iyagu weerar ku qaaday gobolada Jubooyinka iyaga oo marmarsiiyo uga dhigtay in weeraro uga yimaadeen dhinacaa iyo kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya. Ciidamada Kenya ayaa wiiqay awoodii ciidamada kooxda la bahowday argagixisada Caalamiga ee Al-shabaab, kadib markii ay ku qaaday weeraro dhinaca cirka ah oo isdaba joog ah. kana gubeen ilaa tobaneeyo babuurta dagaalka ah.

Ciidamada Al-shabaab (Al-qaacidada Soomaaliya) ayaa iyagu kuwiiqmay dagaalada ciidamada Kenya ku soo qaaday taa soo keentay inay ka alaab urursadaan Goboladii ay hore isugu fidiyeen kuna ururaan magaalada Kismaayo oo haatan ay kusii fool leeyihiin ciidamada AMISON siiba kuwa Burindi iyo Ugandha.

Weerarada dawladaha dariska ay sida tooska ah ugu qaadeen kooxda Al-shabaab ayaa u muuqadta mid awood dheeriya siisay Ciidamada Soomaaliya oo dib ugusoo xamaaranaya hantiyida masuuliyadii kasaarnayd Qarannimadii Soomaaliya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com