shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ardayda Soomaalida ee deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland ee Wax ka Barata Dalka Ethiopia oo Tacsi  Diraya shacabka Soomaaliyeed iyo qoyska madaxwaynihii hore ee Soomaaliya.

 

(Addis Ababa  March 24,  2011 Ceegaag Online)

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOTI”


Tacsidan ayay ardaydu u dirayaan dhamaanba shacabweynaha Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday madaxweynihi hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo maalintii jimcada ahayd ku dhintay cusbitaal ku yaala magaalada Abu-Dhabi ee dalka UAE.

Ardayda reer Puntland ee wax ka barta jaamacadaha dalka Ethiopia, waxay si gaara tacsi ugu dirayaan qoyskii uu ka tagay madaxweyne Yuusuf oo ay ugu horayso hooyo Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd murwadi madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Alle ha naxariiste marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaan aaminsanahay inuu ahaa shakhsi ku sifaysan  "Halyay Qaran", "Geesi" iyo "Muwaadin" jecel horumarka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed ee bay-hoofka iyo qalalaasaha ku jira muddada 20-ka sano ku siman.

Si kastaba ha ahaate, anaga oo ka kooban arday deeq waxbarasho ka heshay dalka Itoobiy, waxaan umada Soomaaliyeed ilaah uga baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo halyayga xijaabtay.

Ardayda Tacsida Diraysa:

1- Cabdirashiid Maxamed Daahir
2-Cabdiweli Yuusuf Cali
3-Cabdinuur Cali Jaamac
4-Cabdiwahaab Maxamed Cali
5-Cismaan
6-Cabdirashiid Axmed
7-Maxamed Cabdiraxmaan
8-Cabdixakiin Daahir
9-Mahdi Cali Xasan
10-Maxamed Miiraaf
11-Ribaax Cabdullaahi
12-Fardowso Cabdisalaan

www.ceegaag.com  

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com