shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Waxbarashada ee Gobolka Alberta Thomas Lukaszuk oo booqday xarunta ururka SCERDO.

(Edmonton, March 10, 2012 Ceegaag Online)

Wasiirka Waxbarashada ee Gobolka Alberta Mudane Thomas Lukaszuk ayaa kormeer shaqo ah ku yimid xarunta ururka Soomaalida ee SCERDO. Mudane Thomas Lukaszuk waxaa kusoo dhaweeyay dhamaan howlwadeenada ururka SCERDO iyo dhalinyarada tababarku uga socdo xarunta SCERDO, waxaana warbixin kooban oo ku saabsan howlaha ururka SCERDO kusiiyay wasiirka, gudoomiyaha gudiga fulinta Bashiir Haji Cali (Jamaal) isagoo uga waramay mashaariicda ururka ay ka fuliso Dalkan Canada gaar ahaan magaalada Edmonton.

 

Waxaa kaloo wasiirku warbixin ka dhageystay Dhalinyaro tababar shaqo xirfadeed ah uga socdo xarunta ururka SCERDO,  wasiirka ayaa balan qaaday inuu wax la qabandoono ururka SCERDO isla markaana u balanqaadey ka Gobol ahaan inay ka qaybqaadan doonaan tababarada noocaan oo kale ah ee la siiyo Dhalinyarada iyo dadka waa weyn. Wasiirka ayaa ardayda ku booriyay in ay ka faa'ideystaan bay'ada ay yimaadeen ee cusub waxbarashadoodana sii wataan.

 

Mudane Thomas Lukaszuk ayaa ku amaaney ururka SCERDO mashaariicdii wax ku oolka ahayd ee wax lagaga qabanayay Soomaalida ku nool Gobolkan Alberta gaar ahaan magaalada Edmonton.

Source: SCERDO

webmaster@ceegaag.com