shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaalliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka oo tacsi udiraya dhamaan Umadda Soomaaliyeed iyo eheladii Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed

 

(Phoenix, Arizona  March 26,  2011 Ceegaag Online)

A R I Z O N A

2425 E. THOMAS ROAD – Suite 10/12- PHOENIX, AZ 85016

Ph: (602) 522 2100; Fax (602) 667 9700

www.somaliunitedcouncil.org

GEERI MURUGO LEH:

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAJICUUN

Anigoo matalaya Golaha Somali American United Council  iyo Jaaliyada Somaliyeed ee Arizona deggan ayaan annagoo ka wada tiraanyeysan tacsi u gudbineynaa Marwo Xaawa Cabdi, ubadka iyo ehelada uu ka baxay marxuum Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmad, iyo dhammaan Ummada Somaliyeedba.

SomaaliWeyn, halkaa waxaa kaga baxay halyey aad u qiime badan, waxqabad horumar tiigsanayay iyo Dal jeceylna lagu xasuusan doono. Ummaddoo idilna way ogtahay, Tariikhduna way bandhigi doonta sifooyionka xussida mudan ee uu ku can baxay, ayna ka mid tahay Wadaninimadisii la hubay, Gesinimadiisa u horseeday qaadashada go’aanno adag iyo Dacaadnimadisii uu marwalba Danta Guud uu ku saleynayey araadiisa horumarineed.

Ummadda Somaliyeed waxay ku xasuusan doontaa marxuum Madaxweyne  Cabdullahi Yusuf Axmad qisadii “GALDOGOB” ee uu halyeygu 1986 ku waayay xornimadiisa. Xasuus aan marnaba la illaawi Karin waa tanaasulkisii  aarnimo ee uu Danta Guud uga tanaasulay xilkii sida xalaasha ah loogu doortay, isagoo tixgelinayey xaalada, marxalada iyo duruufaha markaas abuurmay.

Waxaanu Eebaha-Weyn ka baryeynaa inuu marxumkaas Janna Fardowsa ka waraabiyo, xaaska, ubadka, ehelada iyo dhammaan Ummadda Somaliyeedna Samir iyo imaan innaka wada siiyo. “ Amiin”

Prof. Mohamed Ali Abukar

Founder & President

SOMALI AMERICAN UNITED COUNCIL AZ

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com