shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra'iisal Wasaaraha Ethiopia Ato Meles Zenawi iyo Madaxweyne Sheekh Shariif oo Addis Ababa ku kulmay.

(Addis Ababa, March 14, 2012 Ceegaag Online)

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Ato Meles Zenawi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyagoo ka wada hadlay arrimaha siyaasada iyo ammaanka ee dalka Soomaaliya.

 

Kulankan oo qaatay muddo saacadoodo ah ayaa labada Mas’uul waxay uga horeyn ka wada hadleen sida ay u socdaan howl galada ay hormuudka ka yihiin Ciidamada Itoobiya ee koonfurta Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ato Meles Zenawi inay sii wadaan taageerada Ciidamada Itoobiya ee ku aaden sidii Ciidamada dowladda KMG ah gacan ugu siin lahaayeen in Kooxda Al-Shabaab laga saaro guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa dhankiisa ka balanqaadey in ay wadidoonaan howlgalada ay geeska Africa uga saaridoonaan waxa uu ugu yeedhay Al-qaacida-da Afrika.

Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay isla maantaba dib ugu noqdaan Magaalada Muqdisho, iyadoo kulankii xalay uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad oo la xiriiray dhamaan qodobadii laga wada hadlay. 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com