shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo goor dhaweyd ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

 

(Dubai U.A.E  March 23,  2011 Ceegaag Online)

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOTI”

Waxaa saaka saacada Dubai markay ahayd  04:30AM aroornimo dalka Iisutaga Imaaraadka Carabta ku geeriyoooday ALLE ha unaxariistee madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo muddooyinkan dambe ku xanuunsanayay Cisbitaal ku yaala Imaaraaddka carabta.

ALLE ha u naxariistee marxuumka ayaa todobaadadii la soo dhaafay ku xanuunsanaa, laguna dawaynayey cisbitaal ku yaal magaalada Dubai.

Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa tan iyo intii uu ka dagay xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya bishii December sanadkii 2008-da, deganaa magaalada San'a ee Dalka Yemen, isagoo bishii hore u wareegay dalka Imaaraadka Carabta oo uu dhawaan ka helay magangalyo siyaasadeed. Marxuumka ayaa Ifka kaga tagay Xaas, iyo 4 caruur ah.

Dhamaan Maamulka iyo howlwadeenada Shabadaka Ceegaag.com Waxay tacsi u dirayaan  Eheladii, qaraabadii iyo dhamaam umada soomaaliyeed uu ka geeriyooday  Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed, Waxaan Illaahay uga baryeynaa in Marxuumka Janadii Fawdasa ka waraabiyo dhamaan Ummada Soomaaliyeed, qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagayna  samir iyo Imaan ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

 

Daawo Sawiro Xusuus Leh.

www.ceegaag.com  

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com