shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad Tartan Qur’aan aqris ah oo maanta lagu qabtay xarunta nabadda Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho.

(Muqdisho,  June 17, 2012, Ceegaag Online)

Tartanka oo ahaa mid loogu magacdaray isbadalka dhalinyarada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka Center  For Peace and Democracy waxaana dhalinyaradii ka soo qeyb gashay ay gaareysay ku dhowaad 100 arday kuwaas oo wax ka bartay xarunta nabadda ee Raage Ugaas.

Maxamed Caabi Xasan oo ah maamulaha xarunta ayaa u mahad celiyay hay’adda soo qaban qaabisay barnaamijka, dadkii ka soo qeyb galay iyo  dhalinyaradii ku guuleysatay kaalimaha hore.

Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in ay Muqdisho ka wadaan barnaamijyo kala duwan oo ku saabsan isbadalka dhalinyarada waxa uuna xusay in ay sii wadayaan barnaamijyada lagu hormarinayo dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com