shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

U Codayntii madaxwayne ee reer Masar oo uu ku guulaystay Maxamed Morsi

 

(Nayroobi,  June 21, 2012, Ceegaag Online)

Siyaasiga Maxamed Morsi ee ka tirsan xisbiga Islaamiga ah ee Ikhwaanu Muslimuun ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalka Masar oo dowlad KMG ah ay ka talineysay wixii ka dambeeyay markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore Xusni Mubaarak.

Guddiga doorashada ee dalka Masar ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Morsi uu helay in ka badan 13 milyan oo cod oo ka tirsan 26-ka milyan ee Masaarida codkooda dhiibatay, taas oo u dhiganta 51 boqolkiiba, halka ninka la tartamayay Axmed Shafiiq oo ra’iisul wasaare ka ahaa xukuumaddii Xusni Mubaarak uu helay in ka badan 12 milyan oo cod.

Guddiga doorashada waxay sheegeen in 800 oo kun oo ka tirsan codadka dadka in cillado loo joojiyay.

Labada musharrax ayaa mid kastaba waxa uu sheegay inuu ku guuleystay xilka ka hor ku dhawaaqista natiijada ee guddiga doorashada Masar.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa heegan ku jiray ka hor ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxtinimada, waxaana cabsiga ugu weyn ay aheyd in uu guuleysto Axmed Shafiiq, taasoo laga walwalsanaa inay rabshad ka dhalato.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com