shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii London uga socday Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo lasoo gabagabeeyay.

 

(London,  June 21, 2012, Ceegaag Online)

Waxaa maanta lasoo gaba gabeeyey shirkii magaalada London uga socday dowlada KMG Soomaaliya iyo maamulka la magac baxay Somaliland. Shirka oo mudo laba maalin ah uga socday duleedka magaalada London wafdiyo ka kala socday labada dhinac ayaa waxaa laga soo saaray qodobo hordhac ah oo ay ku sheegeen inuu gogol xaar u yahay kulamo kale oo ay yeelandoonaan.

Qodobada ayaa waxay kala ahaayeen sidan:-

1-In labada madaxweyne si dhaqso leh isu arkaan si ay usii wadaan wada hadalka labada dhinac u bilowday.

2- In wada hadalada labada dhinac ay sii socdaan oo lasii amba qaado si looga midho dhaliyo.

3-In leyska kaashado la dagaalanka argagixisada iyo burcad badeda iyo in laga hortago sunta warshadaha ee maraakiibta shisheeye ku daadiyaan xeebaha Soomaaliya.

4- In la sameeyo qubaro xaga qaanunka oo ay ugu yeertaan labada dhinac xaga la tashiga sharciyada.

5-In ay ka wada shaqeyn doonaa kaalmada xaga bani,aadanida si loo gaadhsiiyo dadka u baahan iyo in beesha caalamka ay soo kordhiso kaalmooyinka xaga bani,aadanimada iyo xaga horumarinta.

6-In ay taageersanyihiin xiliga KMG ah si loogaga gudbi lahaa arintaasi.

Waa marki ugu horeysay oo ay Dowladda Soomaaliya iyo maamulka la magacbaxay Somaliland si toos ah isu soo hor fadhiistaan, waxaana dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay ku tilmaameen wada xaajoodkan kuwo muhiim ah oo loo qaaday xaga horumarka.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com