shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii golaha Wasiirada oo looga hadlay howlgalada ciidamada Dowladda (Warsaxaafadeed)

 

 

(Muqdisho,  June 07, 2012, Ceegaag Online)

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Ganacsigga & Warshadaha Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Amniga, Dastuurka, iyo howlgalada Ciidamada.

 Ugu horeyntii  Wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise ayaa warbixin ka bixiyay guulaha ay gobalada ka gaareen Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa AMISOM islamarkaana uu tilmaamay in Wakhti dhow ay ciidamada gacanta ku dhigi doonaan Magaalada Kismaayo. Wuxuuna Wasiirku intaa ku daray in Degmada Afgooye laga furay Maxkamada Ciidanka islamarkaana lagu maxkamadeen doono cidii shacabka dambi ka gasho. Sidoo kale Wuxuu sheegay in mar dhow mushaaraadka ciidanka la heli doono islamarkaana ilaa 600 oo askari la soo tababarayo.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha ayaa golaha u sheegay in goobihii laga xureeyay kooxaha nabad diidka ah ee Shabaab  sidii loogu sameyn lahaa ciidamo boolis ah. Wuxuuna intaa ku daray in gudoomiyaha degmada Afgooye  uu wakhti dhow soo dhameystiri doono maamulkaasi.

Waxaana sidoo kale Golaha warbixin siiyay Wasiiru-dowlaha Dastuurka, howlaha ku saabsan dastuurka dalka iyo meesha ay mareyso. Wuxuuna Golaha u sheegay in Odoyaasha Dhaqanka ay si wanaagsan howlahooda u socdaan islamarkaana ay ku howlan yihiin soo xulista Ergooyinka si loo tixgeliyo heshiiskii Adis Ababa.

Golaha Wasiiradda ayaa go’aan cad ka soo saaray in Hantida Qaranka aaney cidna bixin Karin islamarkaana shacabka looga digayaa iney ka fogaadaan Hantida Qaranka.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiiradda ayaa isku raacay iney ilaaliyaan hantida Qaranka, Waxeyna Goluhu amaaneen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM guulaha isdaba jooga ah  oo ay ka gaareen gobalada dalka islamarkaana ku booriyay iney sii wadaan dadaalada lagaga xureynayo gobalada dalka Kooxaha nabad diidka ah ee Shabaa

                                                                ------Dhamaad---- 

 

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com