shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qalinjabintii sanadkan June 2012 ee  Jaamacadda Boosaaso qaybta kuliyadda horumarinta bulshada.

 

(Boosaaso,  June 09, 2012, Ceegaag Online)

Xaflad siweyn loo soo agaasimay oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayay 29-arday oo ka qalin jabisay kuliyadda horumarinta bulshada ee jaamacadda Bosaso University ayaa galabta lagu qabtay xarunta jaamacadda ee magaalada Boosaaso.

Munaasbadda shahaadada lagu gudoonsiinayay ardayda ka qalinjabisay kuliyadda Horumarinta Bulshada ayaa waxaa kasoo qaybagalay madax katirsan jaamacadda, aqoonyahano iyo qaybaha kale duwan ee bulshada magaalada Boosaaso.

Maxamed Cali Faarax oo isagu ah maamulaha jaamacadda Bosaso University oo ugu horayntii hadal ka jeediyay xafladda ayaa  kula dardaarmay ardayda dhamaystay kuliyadda Community Developementiga ee jaamacadda  waxa ay soo barteen inay uga faa’iideeyeen bulshadooda, waxaana uu sheegay dadaalkoodu inuu yahay kor u qaadista aqoonta bulshada iyo sidii cilmi baaris lagu sameyn lahaa bulshada dhinacyada siyaadda,caafimaadka iyo kor uqaadista dhaqaalaha.

Cabdiraxmaan Siciid Muuse oo ah maamulka dugsiga Nawaawi ee Bosaso kana mid ahaa dadkii lagu casuumay xafladda ayaa waxaa uu sheegay inuu siweyn ugu faraxsanyahay kasoo qaybgalka xafladda, waxaana uu ku bogaadiyay maamulka iyo macaliniinta jaamacadda Boosaaso inay sii wadaan horumarinta bulshada.

Maamulaha dugsiga sare ee Nawaawi ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay shacabka in lagu hogaamiyo dhanka wanaagsan ee horumarka leh,waxaana uu intaasi ku daray kuliyada horumarinta culuumta bulshada inay tahay mid waxtar badan ugu fadhida ardaya jaamacadda ee maanta shahaahada la gudoonsiiyay, bulshaduna ay siweyn ugu baahanyihiin kuliyadan.

Saciid Jibriil Cali oo ku hadlay afka ardayda shahaadada la gudoonsiiyay ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsanyahay dadaalka ay sameeyeen, waxaana uu balan qaaday waxabarshadu inaysan hakin doonin balse ay ku dadaali doonaan aqoontooda inay kor u qaadaan.

Ugu dambeyntii waxaa xafladda soo xiray Maxamed C/rashiid oo ah madaxa xiriirka dadwayanaha ee shirkadda Isgaarsiinta Golis, waxaana uu sheegay shirkadda Gois inay had iyo goorba ay garab taagantahay bahda waxbarshada.

Gabagabadii xafladda ayaa waxaa goobta lagu bixiyay hadiyado ay si wadajir ah u bixinayeen maamulka jaamacadda Boosaso University iyo shirkadda isgaarsiinta ee Golis, haddiyadaha ayaa waxaa la gudoonsiiyay macalimiinta iyo ardaydii jaamacadda ee dhamaysatay kuliyadda horumarinta bulshada.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com