shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

MGS ee Puntland oo u talaabay ku xulida Madaxdooda dhinaca Xisbiyada Badan

 

(Garoowe,  June 24, 2012, Ceegaag Online)

Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ansixiyay xeerka lagu aqoonsanayo xisbiyada iyo tirada taageerayaasha looga baahan yahay xisbi kasta.

Kalfadhiga baarlamaanka oo maanta ay ka qeyb galeen 40 mudane ayaa 37 mudane waxay u codeeyeen in si loo aqoonsado xisbiyada in xisbi kasta uu gobol kasta oo ka mid ah siddeedda gobol ee Puntland ka helo 500 oo qof oo taageerayaal ah.3 mudane oo diiday xeerkan waxay u codeeyeen in 1300 oo qof laga dhigo tirada taageerayaasha ee xisbi kasta looga baahan yahay in uu ka helo gobol kasta.

Tan micnaheedu wuxuu yahay in xisbigii ku guul-darraysta in gobol kasta uu ka helo 500 oo taageere, uusan u gudbi karin doorashada golaha deegaanka oo saddexda urur ee ugu sarreeya ay noqon doonaan saddexda xisbi ee u tartami kara doorashada baarlamaaanka iyo tan madaxweynaha.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in uu ansax yahay xeerkan la xiriira xisbi samaysashada.Dastuurka ay Puntland yeelatay bishii April ee sanadkan ayaa qoraya in Puntland ay ka guurtay nidaamka qabaa’ilka, ayna u guurtay nidaamka xisbiyada siyaasadeed

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com