shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaa sii kordhayay dhibaatada lagu hayo suxufiyiinta Muqdisho xilli uu soo  hagaagayso amaanka caasimada.

 

(Muqdisho,  June 09, 2012, Ceegaag Online)

Dilalka qorsheeysan ee lala beegsanayo suxufiyiinta ayaa sii kordhayay Waqtiyadii ugu dambeeyay xilli waliba  isbedallo nabadeed laga dareemayo Caasimadda Muqdisho kadib markii laga eryay magaalada maleeshiyaadka Al-Qaaidda (Shabaab)

Wariye Max’ed Shariifka oo ka mid ah wariyayaasha ka howlgala idaacadda Bar-kulan ayaa shalay kooxo hubaysan waxa ay ku dhaawaceen agagaarka isgoyska degmada X/jajab ee Muqdisho xilli uu ku sii jeeday mid ka mid ah Warbaahinnada halkaasi ku yaala, waxaana rag hubaysan ay la dhaceen Laba xabadood oo kaga dhacday meel halis ah.

Inkastoo wariyuhu ay xaaladiisa aad u wanaagsantahay saakay islamarkaana lagu guulaystay qalliinkii lagu sameeyay ayaa haddana tani waxa ay tahay arrin aan dadka ku cusbayn.

Sanadkan oo kaliya ku dhawaad 10 wariye ayaa lagu kala dilay magaalooyinka Muqdisho Beledweyn iyo Gaalkacyo,  kuwaas oo aan dhamaantood la ogayn Sababta iyo ujeeddada dilkooda ka dambaysay, cidina ma  sheegan in dilkaasi ay iyadu fulisay.

Waxaase loo badinayaa kooxaha ficilkaasi ku caanbaxay ee Shabaabka kuwaas oo si toos ah iyo si aan toos ahaynba u dilay wariyayaal aad loo yaqaanay, si cad ayeeyna warbaahinta uga sheegteen, amaba qaarkood waa la garan karay oo iyaga ayaaba u yeeray, haddana dad ayaa aaminsan in dilalka wariyayaasha  qaarkood ay yihiin kuwa siyaasadeed oo lagu afduubaayo warbaahinta,  inkastoo wararkaasi oo dhan ay u baahan yihiin caddaymo muujinaya sida ay wax u dheceen ilaa iyo haddana lama hayo.

Dowladda KMG ah waxa ay ku jirtaa dadaal ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa Amniga caasimadda Muqdisho maaddaama ay ku guulaysatay in ay ka saarto Maleeshiyadka Al-Qaacidda, haddana waxa mararka qaarkooda dhaca ficillo dad lagu dhibaataynaayo  gaar ahaan warbaahinta, waxayna dowladdu sheegtaa in ay wax ka qabanayso inkastoo wali dhacdooyinku ay taagan yihiin.

Afhayeenka dowladda Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow waxa uu sheegay in falkaasi lagu dhaawacay wariyahaasi ay cambaaraynayaan baaritaanna lagu samayndoono sababta iyo cida dilkaasi ka dambeysa, isagoo falkaasi ku eedeeyay kooxo uu ku sheegay in markii horaba ay caado u ahayd beegsiga dadka waxtarka u leh bulshada.

Dad badan waxa ay rumaysan yihiin in warbaahinta Muqdisho ay mararka qaar kood ka badbadiyaan wax aan jirin sababta loo beegsanaayana ay sidaasi tahay isla  sidaasi oo kale dad baa qaabo in saxaafaddu kaalin weyn ka qaadato waxyaabo badan oo bulshada ka daahsoon, lakiin aragtiyahaasi waa suurtagal ama hal aragti ayaa ka sax ah, waxaase shaki ku jirin in saxaafadda Muqdisho qaarkood ay horseed u yihiin colaadaha Soomaaliya, xalkana aad mooddo in xiisad kacday ay ka jecel yihiin.

Qaar badan oo ka mid ah  waxa ay taageeraan shaqsiyaad qaabkay doonaan haku taageereene taas oo ay ku tilmaameen dadka shuruucda saxaafadda yaqaanaa kuwa aan warbaahin la oran karin marka la eego sida ay wax u tabinayaan iyo waxa ay tabinayaan  gaar ahaan shuruucda saxaafada Islaamka  waxayna dad badani leeyiin waa wax ay saxaafadu gacmahooda ku keensadeen in la beegsado waloow dilkoodu uusan meelna ku bannaanayn.

Isla Sidaasi oo kale waxaa hubanti ah in ay jiraan warbaahinno iyo wariyayaal ficiladaasi ka nasahan, kuwaas oo bulshada u soo gudbiya warar xaqiiqo ah iyo dhacdooyin taagan, kana shaqeeya horumarka bulshada maalin walba,

Runtuna waxa ay tahay saxaafadu way ku kala duwan yihiin soo gudbinta dhacdoooyinka iyo sax ahaanshiyahooda haddana waxa ay ka siman yihiin dhaawaca, dilka, hanjabaadda iyo ficillada kale ee lagu waxyeeleeynayo amaba lagu waxyeeleeyay wariyayaal saaxiibadeen ahaa oo si xaq darro ah loo dilay.

Waxaana dowlada looga fadhiyaa in dambiyadaasi dadkii galay sharciga la horkeeno lana mar siiyo ciqaabta ay midan yihiin.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com