shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka.

 

 

(Muqdisho,  June 06, 2012, Ceegaag Online)

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulaya ergada ansixineysa dastuurka cusub ee ay yeelandoonto Jamhuuriyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in odayasaha looga baahanyahay in ay soo xulaan dad aqoon u leh oo ansaxiya dastuurka si looga baxo marxalada KMG ah.

Kulankan uu maanta la qaatay Madaxweyne Shariif Sh. Axmed Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay xarunta ay Odayaashu ka Dagan yihiin magaalada Muqdisho.

 

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com