shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Xusni Mubaarak oo geeri qarka u saran kadib markii wadnihiisii istaagay

 

(Qaahira, Masar  June 19, 2012, Ceegaag Online)

 

Madaxwayne Mubaarak waa mayd waxaa laga soo warinayaa hayada wararka ee MENA. Kadib markii laga soo saaray xabsigii Torax  lana geeyay Isbataalka Maadi oo ku yaala koonfurta magaalada Qaahira.

Nin u hadlay dhakhaatiirta oo la yidhaahdo Alaa Maxamuud  ayaa sheegay inuu Xusni Mubaarak Mayd yahay wadnihiisiina istaagay balse inuu shaaciyo aysan shaqadiisa ahayn.

Madaxwaynaha ayaa ilaa intii lagu xukumay xabsi daa'in bishan June 02, 2012 ku sugnaa isku buuq iyo dhiiga oo ku karsanaa tasoo keentay maanta in uu ku dhacay dhiigxidhan dhalayay inuu wadnihiisu istaago.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com