shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kenya oo maxkamad soo taagtay muwaadin u dhashay dalka Switzerland.

 

 

(Nairobi,  June 06, 2012, Ceegaag Online)

 

Maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa maanta dhageystay dacwad ka dhan ah muwaadin u dhashay dalka Switzerland kaasi oo lagu soo oogay danbi ah inuu ka tirsanyahay ururka Al Shabaab, muwaadinkan u dhashay dalka Switzerland ayaa ka mid ah ajaaniib maxkamad lagu soo taagay Kenya bilooyinki lasoo dhaafay iyadoo loo heysto danbiyo argagixiso ayaa lagu magacaabaa Magd Najjar.

Magd Najjar ayaa waxaa la qabtay bishi lasoo dhaafay iyadoo maanta maxkamad ku taala magaalada Nairobi lasoo taagay laguna oogey inuu ka mid yahay ururka Al-shabaab, abuukaataha Magd Najjar oo lagu magacaabo Edna Khaemba ayaa sheegtay in laga diiday damiin sidaasi daraadeedna ay maxkamadu dib u furmi doonto 2-da bisha July ee sanadkan.

Dad badan oo ajnabi ah ayey haatan baadigoobayaan booliska dalka Kenya kuwaasi oo lagu eedeynayo in ay lug ku leeyihiin qaraxyada iyo bambooyinka lagu qaadayo magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya gaar ahaan caasimada Nairobi oo dhawaanahan ay qaraxyo is daba joog ahi ka dhaceen.

 

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com