shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hogaanka Xisbiga Tayo Party oo kulamo muhiim ah Nairobi kula leh Shacabka Somaliyeed

 

(Nayroobi,  June 21, 2012, Ceegaag Online)

Wararka naga soo garaya magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya aya waxaay tibaxayaan in Magaaladaasi ay ka socdaan kulamo muhiim ah oo ay yeelanayaan hogaanka Xisbiga Tayo Party  iyo qaybaha kala duwan ee Shacabka Somalida ah ee ku nool Wadanka Kenya.

Kulamadan oo ah kuwa ay saxaafadu dibad joog ka ahayd aya waxaay dhex marayeen ganacsatada Somalida ee ku nool wadanka kenya iyo wafdi ka socday  Xisbiga Tayo party oo  dhawanahaanba socdaal howleed ku marayay Wadamada geeska Afrika  kulankaas aya waxaa loga wada hadlay sidi ganacsatada  Somaliyeed ee ku nool Wadanka Kenya iyo Xisbiga tayo iskaga kaashan lahayeen so celinta  Sharafti iyo qaramadi Somaliyeed waxana  gabagabadi kulankaasi  ganacsatada Somaliyeed ee wadanka Kenya ay balanqadeen in ay hil iyo hooba la garab istaagayaan  Xisbiga Tayo Party.

Sido kale Xubnaha  Xisbiga Tayo  Party  aya waxaay  kulamo kale la qateen qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed, Dowlada Kenya,  iyo waliba diplomasiyiinta wadamada shisheeye u fadhiya Wadanka Kenya waxaayna dhamaan ka wada hadlen sidi mar kale  somalia  lugaheeda iskugu taagi lahayd.

Xubnaha ka socda Xisbiga Tayo Party  oo in mudo ah ku sugna Magaalada Nairobi aya waxaa hogaaminaya R/wasaarihi hore ee Somalia Dr.Maxamed Cabdilahi  Maxamed Farmaajo ahna Xoghayaha Xisbiga Tayo Party waxaayna dagan yihiin  bartamaha Magaalada Nairobi  ayado hoyga ay daganyihiin  Masuliyintaasi  si weyn ay u ilaalinayaan Ciidamada kala duwan ee Wadanka Kenya waxana adag sida uu qof aan balan lahayn ula kulmo Farmaajo.

Dhanka kale Hoyga uu Farmaajo ka dagan yahay Magaalada Nairobi  waxaa ka socda  qaban qaabadi ugu danbeysay  ee uu Farmaajo ugu anba bixi laha  Wadanka Somalia  qaas ahan  Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno badan oo katirsan Xisbiga Tayo Party  waxana magaalada Muqdisho  ka socda qabanqaabo lagu diyaar garobayo  so dhaweynta  R/wasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo waxana qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho lagu dhajiyay sawirada  R/wasaarihi hore ee Somalia Farmaajo.

Amaanka R/wasaarihi hore ee Somalia marka uu taago Magaalada Muqdisho waxaa sugaya cutub ka mid ah Ciidamada Amsom iyo Ciidamada Xoga Dalka waxana uu Magaaladaasi ku sugnaan doono  mudo aan la cayimin waxana uu kulamo la qadan doono  qaybaha kala duwaan ee Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho  waaxaa uu si qaas ah ula kulmi doono Odayaasha Dhaqanka ee uu shirka uga socdo Magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duubo  Xisbiga Tayo Party oo ay hogaamiso  Dr.Maryan Qasim aya waxaa uu rajo weyn  ka qabaa  in uu qabto  Hogaanka Dalka  Somalia 5 sano ee soo socota.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com