shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dufcadii Ugu Horeysay Oo Ka Qalin Jebisay Jaamacadda Muqdisho Faraceeda Boosaaso

 

(Boosaaso,  June 09, 2012, Ceegaag Online)

Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkaana ay ku qalin jebinayeen dufcadii ugu horeysay ee wax ka barata Jaamacadda Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadaasi.

Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay Waalidiin,macalimiinta wax ka dhiga iskuullada iyo Jaamacadaha ku yaala magaalada Boosaaso iyo Ardayda Qalin jebineysay oo iyagu ku faraxsanaa qalin jebintan oo aheyd mirihii guushooda Waxbarasho.

Ardayda ka qalin jebisay Jaamacadda Muqdisho faraceeda Boosaaso ayaa tiradoodu gaareysaa 150 arday waxaana ay wax ka barteen kuliyadaha kala duwan ee ay Jaamacaddu ka koobantahay.

Maamulaha Jaamacadda Muqdisho faraceeda Boosaaso Prof Aadan Maxamed oo Xafladda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiyey mudadii ay ardaydan qalin jebineysay waxbaranayeen iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen waxaana uu ugu hambalyeeyey sida ay Waxbarashada ugu soo dhabar adeygeen.

Qaar ka mid ah waalidiinta Ardaydan qalin jebisay oo iyana Xafladda ka hadlay ayaa Ardayda u hambalyeeyey waxaana ay maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Muqdisho uga mahad celiyeen sida ay ardaydooda ugu dadaaleen.

Ardaydan gaaraya 150 Arday ayaa iyagu noqday dufcadii ugu horeysay ee ka qalin jebisa Jaamacadda Muqdisho faraceeda Boosaaso waxaana talaabadan ay qeyb ka tahay waxyaabaha muujinaya horumarka Waxbarasho ee ka jira Dalkeenna maadaama ay marba marka ka dambeysa sii kordhayaan Ardayda ka qalin jebineysa Jaamacadaha Dalka.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com