shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciyaaryahan Cabdi Nageeye oo lagu darey liiska xulka Qaranka dalka Holland uga qayb galaya cayaaraha oradada Qaramada Yurub ee lagu wado in lagu qabto caasimada dalka Finland ee Helsinki.

 

(Amsterdam June 21, 2012, Ceegaag Online)

Ciyaaryahanka oo u dhashey dalka Soomaaliya, degana magaalada Nijmegen ayaa 18 June ku guuleystey oradka 5000m koobka dalka Holland, islamarkaana mudooyinkii ugu dambeeyay guulo la taaban karo iyo wacdaraba ka dhigey tartamada lagu qabto dalalka Yurub iyo wadanka Holland.

Ka dib guushii todobaadkii dhawaa ee Amsterdam ee ku guuleystey oradka 5000m ayuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahey taageerada iyo hambalyada ay umadda Soomaaliyeed u soo direen iyo sida weyn ay jaraa'idka af Soomaaliga ku hadlo ee looga faaloodeen guusha taariikhiga ah ee uu gaarey Cabdi Nageeye.

isaga oo sii raaciyay waxaan ciyaaraha ugu horeeya ka ordi doonaa tartan dhici doono aakhirka bishan June dalka Slovenia, kadibna waxaan u diyaargaroobayaa Euro Athletics Helsinki 2012. Liiska lagu shaaciyay 21 ciyaartooy ee xulka Holland Orange uga qayb galaya cayaaraha ka dhici doono Helsinki, ciyaaryahan Cabdi Nageeye wuxuu ordi doono oradka 10.000m hadii Eebe idmo. Soomaalida degan magaalada Helsinki waxaan kula dardaarmayaa inay soo dhaweeyaan ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee ka qayb galaya tartankaas ee u safan dalalka Yurub sida Holland .UK iyo wadamada kaleba, islamarkaana ay garoonka tagaan maalmaha ay dhici doonaan cayaaraha fudud.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com