shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Cirka ee Kenya oo duqeeyay goobo ka mid ah gobolka Jubada hoose.

 

 

(Kismaayo,  June 07, 2012, Ceegaag Online)

Wararka ka imanaya deegaanada ku yaala gobalka Jubada Hoose ayaa tilmaamaya in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka Kenya ay duqeymo xooggan ka geysteen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Badhaadhe iyo Kismaayo.

Goobaha ay diyaaraduhu duqeeyeen  waxa kamid ah deegaanada Buuloxaaji, Sedex Lugood iyo Santaaro. lama hubo khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi, mana jiraan masuuliyiin katirsan dowladda Kenya oo ka waramay duqeymaha ay ciidankooda cirku qaadeen.

Diyaardaha ayaa lagu wadaa in ay bartilmaameed ka dhigteen saldhigyo lagu tuhunsan yahy in ay gabaad u yihiin ururka  Alshabaab, ilaa hadana ma jiro wax war ah oo ku aadan duqeymahaasi oo kasoo baxay ururka Alshabaab, gobolada Jubooyinka ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidameed oo la doonayo in lagaga sifeeyo ururka  Al-shabaab iyada oo ciidamo isbahaystay ee halkaa ku sugan yihiin.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ciidamada cirka ee Kenya ay duqeeyaan deegaano ka tirsan gobolada Jubooyinka oo  lagu tuhunsan yahay xoogaga Al-shabaab ee iyagu gacanta ku haya deegaamadaasi.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com