shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Haweenay 109 jir ah oo ku hamineysa inay uur u yeelato seygeeda oo 39 jir ah.

 

 

(Malaysia,  June 05, 2012, Ceegaag Online)

Haweeynay 109 ah oo u dhalatay dalka Malaysia ayaa sheegtay inay aad u dooneyso in ay mar uun ay caloosheeda galaan ilmo uu aabe u yahay seygeeda oo da’ ahaan iyada ka yar 70 sanno.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Wook Kundoor ayaa sanadkii 2006 soo jiidatay saxaafada caalamka kadib markii ay guursatay Muhammed Musa oo 70 sano ay ka weyntahay ahna 39-jir ayaa waxa ay u sheegtay jariirada The Star sida ay u dooneyso in ay maqasho dhawaqa ilmo oo ay dhashay oo gurigeeda ku ciyaaraya.

Muhammed  Noor Musa ayaa uga faalooday wargeyska The Star in marwadiisa cadka ah ay mudo sanado ah isku dayaysay in minkeeda uu galo awlaad ka dhaxbeeranta labadooda hayeeshee nasiib daro cimrigeeda oo qaatuma ah awgeed aysan suuragal aheyn in riyadaas ay u rumowdo.

“Bilowgii guurkeena waxaan ku dadaalnay in ubad uu naga dhax beermo laakiin da’da xaaskeyga ayaa caqabad noqotay, waayo suuragal maha in 109 jir ay uur yeelato” Ayuu yidhi Mohd Noor. Lamaanahan ayaa hada go’aansaday in Ilmo agoon ah ay korsadaan

 

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com