shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’iisal Wasaare C/weli Gaas oo maanta u dhoofay dalka Kenya.

 

(Muqdisho,  June 19, 2012, Ceegaag Online)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta ka duulay garoonaka diyaaradaha ee Aadan cadde International Airport ee Magaalada Muqdisho, Isagoo ku wajahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo maalinta bari ah shir looga hadlayo Arrimaha Roadmap-ka ka furmi doono. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya qaar ka tirsan golahiisa Wasiiradda.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Gaas ayaa warbixin ka bixiyay socdaalkiisa ku aadan Magaalada Nairobi, Wuxuuna sheegay in socdaalkiisu uu yahay shir maalinta bari ah kaga qeyb galayo saxiixayaashii Roadmap-ka ka furmi doono Magaalada Nairobi kaa oo lagaga hadlaya arrimaha gedi socodka nabada ee Roadmapka, iyo Dhameystirka iyo soo afjarida xilliga Kumeel gaarka ah.

Ra'iisal Wasaare C/weli ayaa Wuxuuna intaa ku daray in Roadmap-ka uu meel wanaagasan marayo hormar badana laga sameeyay islamarkaana xusay in waxyaabaha kale oo ka dhiman la dhameystiri doono, taana waa mida hadda uu socdaalkeyga ku wajahan yahay sidii loo dhameystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman Roadmap-ka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay shirka inuu socon doono mudo labo maalimood ah, wuxuuna xusay inuu rajeynayo iney ka soo baxaan wax Umadda Soomaaliyeed aayaheeda dan u ah, si wanaagsan oo guul ahna uu ku dhamaan doono.

–DHAMAAD –

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com