shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad qalin jabin ah oo dhalinyaro tababar uga socday xarunta SCERDO loogu qabtay magaalada Edmonton.

 

(Edmonton,  July 13, 2012, Ceegaag Online)

Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta hay’adda waxbarashada iyo hurumarinta reer miyiga ee SCERDO (Somali Canadian Education and Rural Development Organization).

Xafaladdan oo ay ku qalin jabiyeen arday tababar uga socdey xarunta SCERDO Lixdii bilood ee tagay, ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadley Amal Issa ah gudoomiyaha dhalinyarada ee hay’adda SCERDO iyadoo u mahadcelisay dadweynhii kasoo qaybgalay xaflada isla markaana u jeedisay hadal dardaaran ah dhaliyaradii loosoo xidhay tababarka iyadoo ku adkeysay in ay ka faa’ideystaan fursadan qaaliga ah ee ay heleen.

Gudoomiyaha guddiga fulinta Hay’adda SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal) oo hadal kooban ka jeediyay xaflada ayaa ardayda u sheegay farxada maanta waalidiinta la qaybsaneysaa inay tahay hadba sida ay ugu hamiyaan waxkabadalka Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Edmonton.

 

Dave Xander oo ka socotay xafiiska shaqaaleysiinta ee Dowladda Canada ayaa u mahadcelisay hay'adda SCERDO iyo ardaydii qalin jabisay isagoo sheegay in ay aad ugu faraxsantahay in mashruucan uu noqdo mid si guul leh ku dhamaaday.Sidoo kale waxaa xaflada hadalo kooban ka jeediyay Sahra Kaahiye, Marlene Orr, C/llaahi Xasan Dhooble, Abuukar Hirabe, Ciise Xaaji Ismaaciil, Abdihakin Isse iyo Mohamed Axmed Xirsi (Cawil).

 

Ugudanbeyntii xafladan ayaa lagudoonsiiyey ardayda shahaadooyin iyo abaalmarino. 

Source: SCERDO

 Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com