shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qurbajoogta reer  Hiiraan siiba kuwa reer Beergadiid Oo Deegaankaasi Ka Bilaabay Dhismaha Isbitaal

 

(Beergadiid July 27, 2012, Ceegaag Online)

Deegaanka Beergadiid ee waqooyiga gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka bilowday dhismaha Isbitaal uu deegaanku yeesho kaasi oo ay hirgalinayaan Jaalliyadaha kasoo jeeda deegaanka ee ku nool dalka dibaddiisa.

Munaasabad lagu dhagax dhigayey Isbitaalkaasi cusub ee uu yeelanayo deegaanka Beergadiid ee gobolka Hiiraan oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu qabtay deegaankaasi ayadoo dhismaha Isbitaalkana ay dhagax dhigeen waxgaradka deegaanka ku nool.

Xiireey Rooble oo ka mid ah qurbajoogta reer  Beergadiid ayaa isaga oo ka hadlayey munaasabadda lagu dhagax dhigayey Isbitaalkan cusub ee uu deegaanku yeelanayo waxa uu ugu horeyn u mahad celiyey dadka ku deeqay dhulkan Isbitaalka laga dhisayo waxaana uu dhanka kale tilmaamay in Jaalliyadahooda gobolkaasi kasoo jeeda ay ka go’antahay sidii ay u hormarin lahaayeen deegaankooda isaga oo halkudhigna usoo qaatay”Wax walba oo la isku dayo waa la qaban karaa”

Qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka Beergadiid ee gobolka Hiiraan oo iyaguna dhankooda hadallo ka jeediyey munaasabadda lagu dhagax dhigay Isbitaalkan cusub ayaa uga mahad celiyey jaalliyadaha reer Hiiraan tallaabada ay ku hirgelinayaan Isbitaal uu deegaanku yeesho waxaana ay tilmaameen in dadka deegaanku baahi weyn ay u qabeen Isbitaalkaan hada loo dhagax dhigay.

Sawir Qaade: C/shakuur Cismaan Cali 

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com