shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo Warbixin loogu dhageystay Holland, kana digay dagaal ka Qarxa Soomaaliya. [Sawirro]

 

(Amsterdam,  July 20, 2012, Ceegaag Online)

Kulan Warbixin loogu dhageysanayay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Xubnaha sar sare ee Xisbiga Hiil-Qaran ayaa 19-07-2012, ka dhacay Magaalada Amsterdam ee dalka Holland, iyadoona Kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen Madaxda Xisbiga ee dalka Holland, Wakiilo ka tirsan Xisbiga, Aqoon yahano, iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay Kulankaasi.

Guddoomiyaha Xisbiga Hiil-Qaran ee dalka Holland Dr. Cali Cabdi Waare, Avv Muuse Xirsi, Drs. Zahro Naaleeye, Ruqiyo Sabriye, Axmed Warsame, Drs Shamso Xasan, Guddoomiyaha Ururka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Maxamed Axmed Kiimiko iyo Wax garadka Jaaliyada Soomaalida ee dalka Holland ayaa kulankaasi goob joog ka ahaa.

Khudbadii ugu horeesay ee kulanka ayaa waxaa qaadatay Drs. Zahro Naaleeye oo ka mid ah Xubnaha Xisbiga Hiil-Qaran, isla markaana ah Mas'uuliyiinta sar sare ee Dallada Ururada Soomaalida Holland ee FSAN, iyadoona ka hadashay dadaalka Xisbiga, Himilooyinka uu tiigsanaayo, iyo Maraxaladihii kala gedisnaa ee Xisbiga uu soo maray, waxa ayna Drs Zahra sheegtay in ujeeedada Xisbiga uu yahay sidii loo samata bixin lahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo u baahan bee tiri dad ay daacad ka tahay wax u qabashada dalkooda.

Guddoomiyaha Ururka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Maxamed Axmed Kiimiko oo soo jeediyay Khudbad meelo badan taabaneeso, ayaa sheegay in xilligaan la joogo waqtigii talada dalka ay qaban lahaayeen dad Aqoon-yahano ah oo aan dalka wax dambi ah ka galin "Ruux dambiile ah uma ogalaaneeno in uu dalka Hogaamiyo, dalka waxa uu u baahan yahay Ruux aan danbi ka gelin, lugna aan ku laheyn wax is daba marin, waxii hore wuu dhamaaday waxaa bilawday xisaabtan, hadii aynu nahay difaacayaasha xuquuqda Aadanaha, waan kusii dadaali doonnaa sidii xuquuqda dalka iyo dadka loo difaaci lahaa" Ayuu yiri Kiimiko oo xusay in ururkooda uu qeyb ka ahaa dadaalkii kooxda Monitor Group ay ku baareen Musuq ka taagan dalka Soomaaliya.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

"Taariikhda aynu leenahay, ayaa Maanta lacag laga la'yahay wadankeenii, oo Macluushii taagneed iyo intii ka horeesay lacag dadku leeyahay iyo kuwo loogu soo deeqay ayee jeebkii iska geshadeen, Maanta yaa inaga hor joogsanaya dadka cuntadii Masaakiinta loogu tala galay Afkooda kala soo baxaaya ee jeebka geshanaya" Ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ku baaqay in kuwa Dowlada Sheeganaya ay edeb yeeshaan, Asigoona sheegay in Xisbiga Hiil-Qaran Mabda'iisa uu yahay in dadka Noolaadaan, Afka wax loo geliyo Shaqana loo Abuuro.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar waxa uu wal wal xoogan ka muujiyay Mustaqbalka dalka Soomaaliya, Asigoona sheegay in xilligaan uu aad ugu cabsi qabo dagaal cusub oo ka dhasha dalka Soomaaliya.

"Waxaa i haya Cabsi, ma aha cabsidaas mid ku saabsan Hiil-Qaran maa laga badin doonnaa mise wey badin doontaa, waxaan ka cabsanayaa dagaal cusub, waayo dabeesha ayaa laga gartaa wax waliba, astaanteedana wey muuqataa, Odiyaashii baa la isku heystaa, Qaarbaa loo balan qaaday Gaari iyo Guri, Qaarbaa Lacago fara badan ku bixinaaya sidii ay u kasban lahaayeen Odiyaasha, Dumarkii Meelbaa lagu hayaa, Odiyaashii liis baa loo geynayaa oo kan ii gali ayaa la leeyahay, Taariikhdeena wey soo martay Doorasho in Madaxweyne lagu dilo, marka ay xaalada sidaan imaato ee liisaska la bad badalo dad aan dadkii aheyn meesha yimaado cuqdad baa imaanaya, cid cid ka celineeso ma jirto, Waxaan ka baqanayaa in wax badan la isku walaaqo oo Masaakiintaas la isku jeediyo, dagaal cusub halkaa ka bilawdo" Ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Qodobo quseeya Arrimaha Dastuurka, asigoona sheegay in ay wali ay jiraan Qodobo fara badan oo u baahan in dib u eegis iyo saxid lagu sameeyo, isla markaana dad badan aysan fahan-saneen qaabka loo qoray iyo sida loo dhigay, balse Prof Cabdi waxa uu tilmaamay in ay jiraan qolo habeenba wax ka badala waxna kusoo kordhiya Dastuurka.

Qurba joogta Soomaaliyeed ayuu ku tilmaamay kuwo wali ay ku danbeeso dhinaca qabyaalada, asigoona sheegay in dadka ku sugan dalka Soomaaliya ay xilligaan yihiin dad soo taabtay darbiga isla markaana ka daalay Qabyaalada, balse waxaad moodaa buu yiri in weli dadka Qurba joogta aysan soo taaban darbiga.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo dhawaan dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu xusay in dalka iyo dadka ay u baahan yihiin dad bad baadiya oo wax ka badala marxalada xilligaan lagu juro, asigoona rajo wanaagsan ka muujiyay in 20-Augusto ka dib dalka uu yeesho hogaan wanaagsan oo samata bixin kara, kaas oo uu ka dalbaday dadka qurba joogta in ay dhankooda waqti fara badan ku bixiyaan sidii dalkooda uu u yeelan lahaa Hogaan wanaagsan.

Inkastoo Warbixinta Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo socdaalkiisa dhawaan ee Magaalada Muqdisho meelo badan taabaneesay, ayaa hadana waxa uu khudbadiisa ku nuux nuuxsaday in dalka Soomaaliya xilligaan ay u baahantahay Hogaamiye sax ah oo dalka iyo dadka bad baadiya kaasi oo aan ku imaan buu yiri qaab aan sharci aheyn, Asigoona dhanka kale Odiyaasha iyo Waxgaradka ugu baaqay in ay kasoo dhalaalaan Doorkooda.

Dr. Cali Waare, Avv, Abukaate Muuse Xirsi & Ruqiya Sabriye oo iyagu ka mid ah xubnaha sar sare ee xisbiga Hiil-Qaran faraciisa Holland ayaa dhamaantooda xusay in xisbiga Hiil-Qaran uu ku dadaali doono sidii uu u samata bixin lahaa dadka & dalka Soomaaliya, isla markaana Doorashada Madaxtinimo uu xisbiga u taagan yahay hadii ay ku guuleestaan ay dalka iyo dadka u Abuuri doonaan shaqooyin ay kaga maarmaan gacmo shisheeye.

Xisbiga Hiil-Qaran oo ka mid ah Xisbiyada u taagan Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, ayaa wali wada ololaha ay taageerayaashooda ugu dhaa dhicinayaa ujeedada Xisbiga, iyo Musharaxnimadooda, balse kulanka ka dhacay Holland ayaa kusoo beegmaya muddo yar ka dib xilli uu xisbiga dhawaan ku dhawaaqay Musharaxooda Xilka Madaxweyne-nimo ee Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.

Daawo Xaalda Goobtaas

Salah Hassan Omer [Salah Dheere]
Email: s.dheere@hotmail.com
Amsterdam - Nederlands.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com