shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 

Fanaanada Saado Cali oo usi diyaarinasa ka qayb qaadashada ansixinta Dastuurka Soomaaliya.

(Garoowe,  July 21, 2012, Ceegaag Online)

 Saado Cali Warsame  oo lahadlasa Shacabka Soomaaliyeed Dhagayso

Madaxda maamulka Puntland oo uu horkacaya madaxwayne Cabdiraxman Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ iyo madaxwayne ku xigeenka Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta booqdey Fanaanada Qaranka Soomaliyeed Saado Cali Warsame oo shalay shil gaari inta u dhaxeysa Kalabeyr iyo Garowe ka soo gaarey dhaawac.

Wasiiro ay ka midyihiin arrimaha gudaha Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajir maaliyada Faarax Cali Shire,haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Marwo Caasho Geele Diiriye ,xildhibaan Prof.Cabirisaaq Xasan Cismaan Juurile iyo saraakiil kale ayaa la socotey madaxweynaha marka uu boqanayey Saado Cali.

Fanaanada ayaa waxa laga kabay gacanta bidix oo jabtey waxana aad u wanaagsan xaaladeeda iyadoona dhakhaatiirtu sheegeen dhowaan Saado in loo ogolaan doono inay guda gasho hawlihii ay dalka u timid. Iyada oo ka mid noqonasa ergada Puntland uga qaybgalaysa ansixinta Dastuurka Soomaaliya.

Dhinaca Kale waxa xalay abaare saqdii dhexe magaaladan Garowe Isbitalkeeda ku geeriyoodey Allaha u naxariistee Jaamac Maxamed Nuur ’’Jeele’’ oo kamid ahaa dadki gaariga la saarnaa Saado Cali.

Aas Qaran uu ka qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa loo sameeyey saaka waaberkii weriyaasha ku geeriyoodey shilkan gaari.

Dareen murugo iyo naxdin isugu jira ayaa hareyey Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya iyo somalida dunida ku nool kadib soo shaac bixidii warka shilka gaari ee Saado Cali la socotey oo ka dhacey meel 60KM qiyaastii u jirta magaalada xarunta Puntland ee Garowe.

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com