shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Axkaamta Soonka  ##  Preparing For Ramadan

 

(Boston,  July 19, 2012, Ceegaag Online) 

 

English

Af-Soomaali

Preparing For Ramadan:

Assalamu Alaikum Warrahmatullahi Wabarkatuh.

All praises are due to Allah our creator, sustainer, provider, the only one who is worth of worship, and the one who has the best names, and the highest attributes. Peace of Allah and his blessings be upon his beloved prophet Mohamed Ibn Abdillahi.

Dear brothers and sisters,

As we know we are at the gates of the blessed month of Ramadan. May be tomorrow Friday or day after Saturday is the beginning of Ramadan.

Allah says “O believers, Fasting is an obligation upon you as it was obligated upon the [Muslims] before you so it would help you to reach piety”.

Prophet Mohamed peace of Allah be upon him said “Whoever fasts Ramadan because of faith and expectance of reward his/her prior sins will be forgiven”.

We ask Allah to give us the opportunity to reach Ramadan in good health and sprit and to achieve his forgiveness and freedom from the torment of the last day.

To get the most of this month we need to focus on the following points.

1.      To repent and return to Allah with sincerity and truth. Sins and bad deeds are causes of all evil, and difficulties that happens to us. And piety,  good deeds, seeking forgiveness, and prayers are the causes of the mercy of Allah. So it is very important to start the month with repentance and seek the forgiveness of Allah.

2.      To askAllah to give us the opportunity to reach the month of Ramadan with faith and good health. The early Muslims used to hope for Ramadan six months prior of its time. It is natural that we cannot wait things, and times that we value the most.

3.      To put in mind that Ramadan is few counted days and goes by very fast. Today we are preparing to welcome and in thirty days or less we will farewell it. So, what matters is what we do in those few counted days. Are we going to regret at the end of it? Or are we going to get the most out of it.

4.      To know about rules of Fasting: It is very important to know about the rules of fasting and what can make or break ones fasting. Fasting in the month of Ramadan is one of the five pillars of faith, and an obligation on Muslims. So, if an act of worship is an obligation then to know how to do that act becomes also an obligation. Here are the most important rules of Fasting.

What is Fasting?

It is to stay away from everything that breaks the fast from dawn to sunset with the intention of worshipping Allah.

What is the right way to know about the beginning of Ramadan?

It is sighting by naked eye or by telescopes or any other device that helps to see the moon. It is not permissible to base beginning of the lunar months by astronomical calculations and that is the consensus of the Muslim scholars.

Who is obliged to fast during Ramadan?

 Every Muslim who is sane, healthy, mature, and free from legal excuses.

What are the pillars of fasting?

a)      To make the intention to fast for the sake of Allah

b)      To fast during the during the day from dawn to sunset

c)      To stay away from all things which break the fasting.

What are things that break the fast?

a)      Eating and/or drinking intentionally during day of fasting. Also anything that can be in the place of food or drinks through IV or any other means.

b)      Sexual Intercourse intentionally and willingly during the day of Ramadan. Such act will result in Kafara or penalty which is to free slave, if there is no slave to free, then fast two consecutive months, if unable to do that, then feed sixty poor persons.

c)      To vomit intentionally and willingly during the day of fasting: however, if you are overwhelmed and cannot control the vomiting then your fast is intact and valid.

d)     The beginning of menstruation or post-childbirth bleeding even in the last moment before sunset

Who is allowed not to fast during Ramadan?

a)      The ill person and has to make up the fast day for a day when he/she recovers

b)      Women in their menstruation period or post-child bleeding. They will have to make up day for a day.

c)      The traveler and also must make up for the days missed while traveling.

d)     People with chronic illness such blood sugar, blood pressure, and cancer if recovery is not expected. Such people will have to feed one poor person for each of the missed days.

e)      Pregnant and breastfeeding women: these women will have to pay Fidya which is to feed one poor person for each missed day. 

f)       The elderly who are unable to fast: This group is allowed not to fast but pay fidya for each day missed.

Finnaly,I urge myself and my all brothers and sisters to do our best to take the advantage of time and to get the benefits of this month by

Fasting the days of Ramadan and by standing its nights. The prophet said “Whoever stands (the nights) of Ramadan because of faith and expectance of reward his/her prior sins will be forgiven”.

To recite the Quran and live with it during this blessed month. Angel Jibril used to come to the Prophet and revise the Quran with him each night of Ramadan and he revised the Quran with him twice the last Ramadan of the prophet’s life. Sahaba and early Muslims used to live with Quran and to read nothing else but Quran. Some of them used to complete the Quran in seven days, some of them in three days.  

To remember the poor and those who are in need and our relatives. The Rasul was the most generous person and he was more generous during Ramadan when Jibril is revising the Quran with him.

May Allah accept our deeds and make easy for us to worship him. Aamin Aamin.

Here are the schedules and updates of the Masjid for Ramadan.

We are expecting to have Iftar at the Masjid every evening

Isha prayer will be at 9:30

Tarawih will start at 9:50

We are expecting to conclude all night worship by 10:40 insha Allah.

Please call the masjid at 617-522-1881

-Wassalamu Alaikum w w.

 

-Yusuf Abdulle,

Assalaamu Calaykum Warrxmatullahi Wabarakatuhu.

Walaayaal sida aad la socotaan waxaa kaabiga noo saaran bishii barakaysnayd ee Ramadan.

Waxaan Allah ka baryaynaa inuu nabad, caafimaad, iyo iimaan nugu gaarsiiyo bishan barakaysan. Sidoo kale waxaan Allah ka baryaynaa inuu nugu daro addoomihiisa naarta laga xoreeyo bishan kheryka badan dhexdeeda.

Walaalayaal, sida aad la wada socotaan waxaan loo dadaalin si sahlan luguma helo. Waxaa ugu qaalisan oo la raadshana waa jannada Allah.  Hadaba si naloogu danbi dhaafo bishaan, oo soonkeenna iyo salaadeenna loo aqbalo waxaan u baahannahay inaan u diyaar garawno.

Waxyaabaha ugu horreeyo oo bishan loogu diyaar garoobo waa

1. Tawbad keen iyo Allah u noqosho dhab ah. Danbiyadu waa cuquubo, dacada iyo cibaadadana way hor istaagaan. Tawbadda iyo Allah u noqoshadana waa cibaadooyinka kuwa ugu wanaagsan, waxayna keenaan nimcada oo noo siyaadda iyo cibaadada oo noo furanta. Allah wuxuu leeyahay " Haddaad shukridaan waan idiin siyaadin, Haddaad gaalowdaanna cadaabkaygu waa daranyahay".

2.  In loo hanqal taago bishan barakaysan oo Allah la baryo inuu noo sahlo cibaadada dhexdeeda ah. Salafka Allah haka raalli noqdee lix bilood ayay usii hanqal taagi jireen Ramadaanka oo xiisso aad u badan u qabeen. Waa marti qiimo badan oo khayr badanna wadata marka waa in lugu fakaraa sidii loo soo dhawayn lahaa khayrkana loogala hari lahaa.

3.  In lugu xisaabtamo inuu Ramadan yahay maalmo tirsan, lana xusuusnaadaa inuu si dhaqso leh ku dhammaan doono haddii Allah nafta nugusii hayyo intaas. Hadaba yaanan noqonin kuwa shallaaya bisha aakhirkeeda oo yiraahda "Alla maxaan u cibaadaysan waayay!".

4. Axkaamta Soonka oo la barto waa qaybaha ugu muhiimsan u diyaar garowga bisha Ramadan. Cibaado kasta oo waajib ah samaynteeda waxaa sidoo kale waajib ah barashada waxay ay ku ansaxdo iyo waxa aysan ku ansixin.  Halkan waxaan kusoo gudbinayaa qodobbo kooban oo axkaamta soonka ku saabsan insha Allah.

Waa maxay soon?

Soon waa "In laga joogsado wax kasta oo buriya soonka sida cunnada, cabbidda, galmada, iwm laga billaabo fajarka labaad ilaa  ay qorraxdu ka dhacdo ayadoo niyyad cibaado ah lugu salaynayo".

Dhalashada Bisha maxaa lugu saleeyaa?

Bisha dhalashadeeda waxaa lugu saleeyaa aragtida isha ama telescope iwm. Mana bannaana in xisaab ama cilmi falak lugu saleeyo aragtida bisha waayoo Rasuulku (sallallaahu calayhi wasallama) wuxuu yiri “Aragti ku sooma aragtina ku afura, haddii la idinka qariyo aragtidana dhamaystira tirada Shacban soddon maalmood”

Yuu ku waajibaa Soonku?

Wuxuu ku waajibaa qofka kasta oo ah Muslim, Qaangaar, Caaqil, cudurdaarna aan lahayn sida safar, xanuun, waayeelnimo xeel dheer, iyo dhiigagga xaydka ma dhiigga dhalmada".

Kuwa Allah rumeeyayow waxaa la idinku farad yeelay soon sida loogu faradyeelay kuwii idinka horreeyay waxaad mudantihiin inaad Allah ka baqdaan" aayadda 183 Suratul Baqara.

Waa maxay Arkaanta ama tiirarka soonka?

1. Niyyo uu qofku niyaysto inuu soomo. Bisha oo dhan inuu soomayyo ayuu habeenka u horrayso niyaysan karaa qofku. Mana bannaana in niyadda lugu dhawaaqo sida in la yiraahdo "Nawaytu Sawma Qadin" iyo wixii la mid ah.

2. In laga joogsado waxyaaba buriya soonka

3. In Soonku qabsoomo maalinta laga billaabo Fajarka labaad ilaa qorraxdu dhacdo; saas darteed habeen soon ma jiro.

Maxaa soonka buriya?

1. Cunno iyo cabbid noocay doonaan ha ahaadeene oo loo cuno ama loo cabbo si ula kac ah. Waxaa cunnada la mid ah faleebooyinka ama IV-ga jirka qaboojiya ama waraabiya. Sidoo kale cirbadaha wax nafaqeeya iwm.

2. Galmada labada qof issu galmoodaan ayagoo og inay soomanyihiin ama midkood soomaynayahay.  Waliba kafaaro ayaa ka waajibayso. Hadday illowsanyihiin soonkoodu ma buraayo.

3. Is matajin si ula kac ah: laakiin hadduu mataggu kusoo dhaafo ood celin waydo soonku ma buraayo.

4. Dhiigga caadada/xaydka ama midka dhalmada oo ku dhaca haweenka: Wax danbi ah kuma laha gabadha dhiiggaasi ku dhoco laakiin waxaa laga rabaa inay maalma kale soo qallayso.

Waa kuwee dadka loo ogalyahay inay afuraan?

1. Qofka xanuunsan wuuuna soo qallaynayaa markuu baskoodo.

2. Qofka musaafirka ah; asna waa sidoo kale wuu soo qallaynayaa maalmaha safarka ku dhaafay.

3. Haweeneyda xaydka ama dhiig dhalamada ku dhacay  way soo qallaynaysaa maalmaha dhaafay.

4. Qofka xanuunsan oon la filaynin inuu ka caafimaado sida qofka sokorta, cancerka, dhiig karka, iwm qaba wuu afurayaa wuxuuna bixinayaa fidyo qallana lagama rabo.

5. Qofka waayeelka ah een soonka xammili karin da' daraadeed: Asaguna wuu afurayaa fidyona wuu bixinayaa, wax qalla ah ahna lagama rabo.

6. Haweeneyda uurka leh ama naaska nuujinayso ayaduna way afuraysaa waxayna bixinaysaa fidyo oo wax qalla ah lagama rabo sida saxda ah.

Waa maxay fidyadu intayse la egtahay?

Fidyo waaa cunno la siiyo masaakiinta oo lugu qiyaasay 2kg oo raashiin ah iyo wixii lugu cuni lahaa ama qof miskiin ah oo la dharjiyo hal waqti maalin kasta oo soon ku dhaafay waa haddii aad ku jirto dadka fidyada bixinaya.

 

Walaayaal qodobka u danbeeya oo Ramadaanka ay tahay in loogu diyaar garoobo waa in la samaysto jadwal ama schedule camali ah oo qofku qorshaysto ama dajisto xilligii uu cibaadaysan lahaa hadday taraawiix tahay ama hadday quraan akhris tahay ama hadday cibaado kale tahayba.

Sidoo kale waxaa aad muhiim ah in bishan Quran-ka la laazimo oo nafta la dul dhigo.Rasuulka waxaa u imaan jiray bisha Ramadan Malakul Jibril oo la subcin jiray. Saxaabada iyo salafkii umadda waxa la sheegaa inay Quranka usoo jeesin jireen bishan Ramadan. Waxaa la wariyaa qaarkood inay Quranka 7 maalmood ku dhamayn jireen, qaarna 3 maalmood.

Waxaa ayana muhiim ah in sadaqada lugu dadaalo oo meelaha khayrka ah lugu baxsho, Rasuulku wuxuu ahaa qofka dadka ugu deeqsisan, wuxuuna ugu deeqsisanaa Bisha Ramadan markuu jibril la subcinayo oo dabaysha roobka wadda wuu ka deeqsisanaa.

Ugu danbayntii waxaan walaalaha ku wargilinaynaa

In bisha Ramadaan ay ku aadantahay Jimacada ama Sabtida. Sida saxda ah ee culumada muslimiintu u badantahay waa in lugu soomaa aragtida muslimiinta meel kastaba ha joogaane.

Ogaysiis-yada ku saabsa Bisha Ramadan:

Waxaan ku soomi doonnaa arigtida caalamka Islaamka Insha Allah.

Lsoo xiriir telephone-ka Masjidka 617-522-1881 si aad u ogaatto inay barri soon tahay iyo in kale.

Masjidka waxaa lugu samayn doonaa afur insha Allah.

Salaadda cishaha waxaa la gali doonaa 9:30

Taraawiixda waxaa la billaabi dooonaa 9:50

Waxaan filaynaa inaan ka baxno ugu danbayn 10:40

Waxaan Allah waydiisanaynaa inuu camalka wanaagsan na waafajiyo nagana aqbalo. Aamiin

Yusuf Abdulle

Boston Islamic Center

 

 

.Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com