shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ergooyin ka socdey Reer Buuhoodle oo Si diiran Loogu Soo dhaweeyey Taleex ayna kamid ahaayeen Garaado iyo Cuqaal +Sawiro

(Taleex, Jan 01, 2012 Ceegaag Online)

Wafti Balaadhan oo  kasoo kicitimay xaruunta Gobolka Cayn ee Buhoodle ayaa Taleex soo gaadhay, waftidan waxaa Hogaaminayey Garaaad C/lahi Garaad Soofe iyo Garaad Saleebaan Buraale  waxaana weftigan safarkooda ku weheliyey cuqaasha iyo ergooyinka shirka Khaatumo uga qayb galaya Gobolka Cayn siiba magaalada Buuhoodle.

 

Dhamaanba Isimadda, Cuqaasha iyo Ergooyinka Shirka ee jooga Taleex ayaa waftidan si heer sare ah ugu soo dhaweeyey magaaladda iyada oo meel magaaladda ka baxsan looga hortagay, waxana waftidan loo galbiyey Hoolka Shirka lagu qabanayo oo dhamanba Isimadda, G6 iyo waxgaradka kaleba ay kormeer ku soo mareen Teendhooyinka loogu talo galay inay u hoydan ergoyinka Shirka wada tashiga Beelaha SSC.

 

Xaflad Kooban oo ujeedkeedu ahaa soo dhawaynta Isimada iyo Ergooyinka ka soo kcitimay Buuhoodle ayaa kadhacday Hoolka shirka waxaana xafladaasi ka hadlay Pro. Cali Khaliif  Galaydh, Garaad Jaamc Garaad Ismciil iyo Garaad Cabdilahi Garaad Soofe  oo dhamaatod shacabka reer taleex u mahad celiyey.

 

Cabdifataax  Dhalac oo ah Afhayeenka Gudidda qaban qaabadda shirka ee Gudaha Taleex ayaa ka xog waramay qaabka ay u diyaariyeen Kaamka loogu talo galay ergooyinka shirka Khaatumo2 oo uu shirku ka dhacayo, waxa uu C/fataax  Dhalac sheegay in dhamaanba howlahoodii shaqo ay diyaar u yihiin ergooyinkana ku soo dhaweynayaan magaaladda Taleex isla markasna aysan Taleex cid gaar aysan lahan oo tahay magaalo loo wada siman yahay, islamarkaana ay dhamaaba ergooyinka iyo dadka beelaha Dhulbahante ku soo wada dhawaynayaan.

 

Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey goobtaas u mahadceliyey Gudiyadda qaban qaabadda shirka sida habsamidda leh ee ay u soo abaabuleen iyo qaban qaabadooda wanaagsan waxana uu sheegay Dr Cali in Shirka Khatumo ee Beelweynta Dhulbahante uusan noqon mid garnaqsi ee uu yahay mid umadan Aayaheeda kaga tashanayso dhamaan umadda Soomaaliyeedna ay soo Eegayso waxa ka soo baxa Shirka Khaatumo2 isla markaana ay san meesha jirin cid la waydiinayo wixii hore u xumaada hayeeshe shirkani uu yahay mid beel waynta Dhulbahante ay kaga tashanayso masiirkeeda danbe cidkasta oo u dhalatayna u shirkana ay ka soo qayb galayaan maskaxdoodana la dhagaysanayo waxa ka soo baxa.

 

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa u mahadceliyey dhamanba Gudiyadda qaban qaabadda shirka Khaatumo2 iyo ergooyinka kale duwan ee ku sugan madasha Shirka ee Taleex, waxana uu Garaad Jaamac sheegay in uu ka mid ahaa Isimadii u yimi shaqaaqadii ka dhacay Taleex ayna hawshaas wax weyn ka qabteen isla markaasna inta yar ee u dhiman dhawaan la soo afjari doono, sidoo kale waxa uu garaadku sheegay in ay dhamaanba soo dhawaynayaan cidii kasta ee dantabeelwaynta Dhulbahante wada.

 

Intaas kadib Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe ayaa shacabka iyo isimada reer Dhulbahante uga mahad celiyey sida diran ee loo soo dhaweyey  waxa uuna shegay in aanay Taleex ahayn magaalo reer balse ay tahay magaalo Dhulbahante isagoo markaasna tusaale u soo qadanayey hadaladii iyo gabaygii Abwaan, Haalyey Ismaaciil Mire ee ahaa **Anaagoo Taleex naal jihaad taladii Qaadnay* taasina ay ahayd in kumanaan Daraawiish ah oo Dhulbahate wayne ahi inay markaas Taleex joogen  hadana ay nasiib wanaag tahay in Hal Qarni kadib ay beelwaynta Dhulbahante ku wada shiraan.

 

Waxa Munaasabada shirweynaha khaatumo oo maalmahan ugu danbeeyeba si an caaadi ahayn uga socday degmada Taleex, iyaguna dhankooda Kaalin muuqda kaga jiray Haween weynaha Deegaanada SSC iyo weliba dhalintaa suugaan yahanka ee SSC ,oo maanso iyo maaweelaba ku tageerayay shirka...codkii abwaanka yar.......

Aqal Soomaali weyn oo laba deryale ah ayaa laga dhisay Duleedka Kaamka Khaatumo kaasi oo ay ku dhanyihiin dhamaanba agabka hidaha iyo dhaqanka ee hoyga reer guraaga Soomaalida.

Maxamed Cismaa C/nur
Talex Sool Somaia

Laascaanod31@hotmail.com

 

 

webmaster@ceegaag.com