shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciyaaryahan u ciyaara kooxda kubada kolayga ee Celtics Brandon Bass oo booqasho ku yimaid barxada Soomaalida ee xaafada Roxbury.

(Boston, Feb 02, 2012 Ceegaag Online)

Waxaa Sabtidii dhawayd Garoonka Soomaalida ee xaafada Roxbury booqasho ku yimid mid ka mida ciyaar yahanada u ciyaara kooxda kubada kolayga ee Celtics oo ah kooxda qaranka ee gobolkan Massachusetts. Iyadoo ay halkaasi yimaadeen kooxo badan oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Boston kuwaasi oo ahaa dhalinta soo hanaqaadasa iyagoo si farxadi ku dheehan tahay uga qaatay casharo gaagaaban oo xaga kubada kolayga ah ciyaaryahan Brandon Bass.

Kooxda Soomaalida waxaa watay oo tababare u ahaa, orodyahanka caanka ah ee Saciid Axmed

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com