shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiir ka tirsan Britain oo sheegay in Shirka London uu ahmiyad u leeyahay Soomaalida

(London  Feb 08, 2012  Ceegaag Online)

Wasiirka arrimaha Afrika ee dowladda Britain Henry Bellingham ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka ka furmi doona magaalada London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Mr. Henry Bellingham oo u warramayay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in la joogo xilligii bulshada caalamka iska kaashan lahayd in nabadgelyo iyo degannaansho laga dhaliyo Soomaaliya, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay keeni karto in laga gudbo marxaladda KMG ah ee ay haatan ku shaqeyneyso dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka London ay ka qeyb geli doonaan 40 dal iyo ururro caalami ah oo lagu casuumay, kuwaasi oo diiradda saari doona sidii looga gudbi lahaa xilliga kumeel gaarka ah oo ku eg bisha August ee sanadkan.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha Afrika ee Britain Henry Bellingham ayaa meesha ka saaray inay suuragal tahay in military ahaan ay Soomaaliya u fara geliyaan, isagoo intaasi raaciyay in ay guullo la taaban karo gaartay dowladda KMG oo hadda gacanta ku heyso dhammaan magaalada Muqdisho, iyadoo gacan ka heleyso ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Shirka 23-ka February ka furmi doona magaalada London ayaa waxaa looga arrinsan doonaa dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya, sida argagixisada, burcad badeedda iyo gargaarka bini’aadannimo.

Source: VOA

webmaster@ceegaag.com