shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirka Dastuurka ee kadhacaya Garoowe oo maalintii labaad si habsami leh u socda iyo qodobo horudhac ah oo ka soo baxay

(Garoowe Feb 17, 2012  Ceegaag Online)

Shirka Garowe2 ee wadatashiga Dastuurka Soomaaliya ayaa maalintii labaad si habsami leh uga soconaya xarunta Jaamacadda Puntland iyadoo saaka ay ergooyinku isu qeybiyeen saddex qeybood kuwaasoo diirada saarayay arrimaha kala ah Federaalku waxa uu yahay iyo midka ugu haboon ee ay Soomaaliya xilligan qaadan karto, Dowlad Wanaaga iyo weliba hirgelinta Axdigii Garowe (Garowe Principles), iyada oo qof kasta oo shirka ka soo qeybgalay uu ku biirayay kooxda uu doorbidayo mowduuceeda.

Kooxahan ayaa ka koobnaa dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ay matalayeen Wasiiro, Xildhibaano iyo khubaro, maamulada gobolada, Guddiga Khubarada Dastuurka, Guddiga Qabyo qoraalka ee Dastuurka, Bulshada Rayidka, Khubaro madax banaan iyo weliba saraakiil ka socotay Xafiiska Siyaada ee Q/midoobay (UNPOS).

Kooxahani waxa ay si weyn u lafa fureen marxalada dalka iyo waxa xigi doona marka ay dhamaato mudada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa Dowlad aan kumeel gaar aheyn kuna dhisan Federaal, waxaana dooda ugu badan maanta ay dhex martay qeybta ka doodeysay Federaal ceynkee ah ayay Soomaaliya qaadan kartaa, inkastoo markii dambe ay isla meel dhigeen go’aano dhaxalgal ah kuna soo bixi doona Warmurtiyeedka ugu dambeeya ee shirka (Final Communiqué.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, Guddoomiyaha Baarlamanaka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, madaxweynaha Galmudug State Maxamed Axmed Caalin iyo wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay Ambassador Mahiga ayaa iyagu galabta soo kormeeray qeybaha ay isu qeybiyeen ergooyinka shirka iyo habsami u socodka doodooda, waxayna hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen ergooyinka oo ay dhex martay dood wax ku ool ah oo bilow u noqon karta dowlad sal adag oo Soomaaliya ka dhalata taasoo ay ku mideysan dhamaan qeybaha Soomaalida.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa kula dardaarmay in fadhigan maanta ay go’aamo ka soo saaraan shacabka Soomaaliyeedna ay maqlaan shirkii Garowe2 inay ka soo baxeen go’aamo taariikhi ah isla markaana Masiiri ah.

“Waxaan idiin sheegayaa in London caawa aan laga seexan doonin, adinkana la idiinkaga baahan yahay inaad saacado dheeraad ah shaqeysaan, sababtoo ah waxaa nalaka sugayaa go’aan iyo heshiis aan gaarno, si loogu daro Agendaha shirka London ka furmi doona 23-ka bishan” ayuu ku yiri R/wasaaruhu ergada shirka isaga oo xasuusiyay in beesha caalamku ay iska dhaadhiciyeen in Soomaaliya aysan heshiin Karin balse taasi ay muuqato in laga gudbay maadaama shirkii ugu horeeyey ee Garowe Principles ay ka soo baxeen guulo la taaban karo haatana uu ka filayo in shirkan Garowe2 ay ka soo baxdo natiijo wanaagsan oo wax ku ool ah.

Dhinaca kale, waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe wefdigii Ahlusunnah Waljamaacah oo uu hogaaminayay Mudane Prof. Xirsi Hilowle, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow, Khaliif C/qaadir Macalin Nuur iyo Maxamed Yuusuf Ow-libaax oo ka mid ahaa saxiixayaashii Garowe Principles waxayna kulamo kala duwan la qaateen madaxdii ku sugneyd goobta shirka oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha.

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
 

webmaster@ceegaag.com