shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shiikh Garbashaalle iyo Somalia States Qaybtii 2aad

(Khaatumo.  Feb 13, 2012 Ceegaag Online) 

Gabay xigasho:  “Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumisa mooyaane  http://www.youtube.com/watch?v=efj_zxnIxRE

 

Maanta maqaalkan waxaan in yar kaga hadlayaa dabaysha maamul  qabiileedka  ee beryahan danbe Soomaaliya ka soo ifbaxay, ka dibna waxay sii wadi doonaa sheekadii odayaashii fadhi ku dirirka ahaa.

 

Ugu horayn bal aan wax yar ka idhaahdo su’aasha ugu horaysa ee su’aalihii maqaalkii hore aynu isku weydiinay oo ahayd maxaa kalifay maamul qabiileedyadan? Waxaan arrinta anigu ku tuhunsanahay saddex arrimood inay keeneen:

1. Tan hore waa arrin salka ku haysa cudurka hurgumada leh (virus) ee  qabyaaladda ee ay Soomaalidu qabto. Waagii hore qabyaaladdu waxay ahayd mid inta badan ku kooban dhulka daaqsinta ah ee dadka reer miyiga ahi ay xoolaha ku dhaqdaan, taas oo marar badan keeni jiray in qabiilooyin isku dhacaan dagaalana dhexmaro, ka dibna ay ka heshiiyaan oo la dhegalo.

 

Dhinaca magaalooyinka, inkasta oo ay sanadihii 1960-1969 ay jireen xisbiyo salka ku haya qabiillo, hadana marna abaabul siyaasadeed oo qabiil ma suurta gelin. Haddaba mudadii dhawr iyo labaatanka sannadood ahayd ee dawladdii dhexe ee Soomaalidu burburtay waxaa fursadi weyni u soo baxday dadka cudurkan qabyaaladdu sida xun u hayo iyada oo ay weliba sii xoojisay dhaqaale iyo garab ay ka helayaan dad badan oo Soomaaliyeed oo dibadda waddanka uga soo baxay.

 

2. Waxaa taa weheliya arrin ay iyana burburkii Soomaaliya keentay oo ah in dad badan oo arrimaha siyaasadda hore ugu jiri jiray ama daneeyaa ay dibadda Soomaaliya uga soo baxeen. Dadkaasi dalalkii ay u soo baxeen kama helin wax fursad ah oo ay balwadoodaa siyaasadeed ku sii raacdaan, inkastoo qaarkood ay xataa xirfado kale iyo dhaqaalaba ka heleen waddamada dibadda ee ay u soo haajireen. Waxaa dadkaa u muuqday in ay meesha keliya ee ay siyaasad ka gaadhi karaan ay tahay in ay ku soo gurya noqdaan qabiilooyinkii ay ka soo jeedeen, inkasta oo intooda badani wax xidhiidh la lahayn dhulka ay hadda maamulada qabiilka ku astaansan ay ka samaynayaan.

 

3. Sababta saddexaad waa fahamka dad badan oo Soomaalida ku abtirsadaa ka qabaan maamulka dawladeed. Waxaa jira in maamulka dawladda loo haysto in uu yahay meesha lagu hanto awood dadka lagaga hormaro, ama ha noqoto awood dhaqaale ama mid siyaasadeed. Waana tan lagu xayaysiiyo laguna duufsado dadka aan aragtida dheer lahayn, iyadoo loo sheegayo in ay marka dawlad ama maamul ay samaystaan ay helayaan awood aanay hore u haysan oo ka maqnayd.

Saddexdaa arrimood oo isgarabsaday ayaan qabaa in dabayshan maamul qabiileedyada cusub ay keentay. Waxaan aaminsanahay in ay tahay kafantii lagu tolayey qiiradii Soomaalinimda (Somali Nationalism), iyadoo loo walqalayo qabiilaysi sii kala furfura kalana didiya ummadda Soomaaliyeed dabadeedna midba meel waraabe sugayey ku cuno.

Waa tii maahmaadii ama riwaayaddii ahayd: “Talo Xuma Tol La’aan Bay Dhashaa” Dadka ku riyoonaya qabiil baan ummad iyo dawlad Soomaaliyeed ku dhisayaa, waxaan leeyahay Qabiilaysi iyo Qaranimo meel mawada geli karaan. Tan qabiilaysigani keenayaa waa in beri dhow la waayo wax Soomaali sheegta.

Su’aasha labaad ayaynu ku eegi doona maqaalka todobaadka danbe “haddii eebbe idmo”.

Hadana odayadii fadhi ku dirirka ahaa ayaa sheekadoodii sii wata ee akhris wanaagsan:::::::::::::::::::

 

 Dhoohane: Waar salaama calaykum

Dhunkaal:  Calykuma salaam wa raxmatullaahi wabarakaatu, waar Dhoohane xaggeebaad ka dhacday, anna telefoonno iyo waxbaan kuu hayey oo meel aad ka baxdayba sow maan waayin…..Bal ii waran.

Dhoohane: Waar maxaa ku waramaa wixii sow ma dhexgelin imminka laba habeen indho isuma keenin. Teleconfarans baan min 12 saacadood shalay iyo xalayba ku hadlayey oo aanaan mar qudha dhigin….

Dhunkaal: Maxaad qabateen dawladdii ma dhisteen?

Dhoohane: Belo! Waar maxaanu dawlad dhisnaa, markii aniga iyo dhawr nin oo kale oo aan meelahan ka helay hawshii aanu dadkii u bandhignay yaaba meel walba dacwadi ka furantay. Sow dadkuba war isuma hayee anagaaba reer-reer iyo raas-raas isu haysanna, wixiibaanu iminka todobaad ku jirnay welina ma dhowa. Waarbal tiinii ka waran, oo dawladdii ma dhisteen? 

Dhunkaal: Ma taayadii he! Oo miyaadan BBC da, intarnatyada iyo idaacadahaba dhegeysan? Meelwalba waa laga sheegay DUNDUMO Stayt of Soomaaliya miyaadan maqal. Meelwalbana waa laga aqoonsaday, Muqdisho ragbaa loo diray oo waa laga aqoonsaday, qaramada midoobay, ururka Afrikaanka. Lacagihii adduunku bixin lahaa baa imminka lagu maqan yahay oo la soo furayaa.

Dhoohane: Horta hambalyo…Annaga shirkayagii waxyaala badan baa la isweydiiyey, niman baa nagu jira madax adag oo aan waxba laga dhaadhicin karin. Waxaa ugu adkaa oo lays weydiiyey; war haddii qolooyinkan aynu jaarka nahay ee isku degaanka nahay ka goosano xaggan Muqdisho iyo federaalkan aynu sheegaynaba la waayo maxaynu yeelaynaa? Dhunkaal bal arrinta sida aad idinku u maaraynaysaan bal maxay kula tahay?

 

Dhunkaal: Waar horta waxaaba annaga cidiba isma weydiin, nimankaan kuu sheegayey ee ruug caddaaga ahaa uun baa sidaa wax noogu afuufay dabadeedna hawraarsan iyo guddoon uun baanu nidhi. Tan kale annagu waxaanu u samaysanay maamulkaba waa inaanu ka xorowno qolooyinkaa aanu jaarka nahaye, meesha ay nala tegeyso maanagaaba dan kale. “Ilaahow maa Jarmalla Qabsado” Federaalkan la sheegayaana wuxuu yahay iyo inuu iman doono xataa cidi war kama hayso. Waxaa nalagu yidhi dawladna waa la samayeye lacagtii, aqoonsigii iyo wixii dawladda lagu wadi lahaaba waa soo scodaan.

Dhoohane: Walaahay waxaan ka baqayaa Dhunkaalow in federaalkaa iyo waxaa aynu sheegaynaa uu noqdo awrkii circa ee la lahaa niman baa sallaan u dhigtay oo la waayaba, innaguna aynu meel cidla ku go’doono.

Dhunkaal: Taa ha u baqin! Wallee ciil uma qabo mar hadii aan reer Quulle cabaad kaga sii daayey; “Badduna buurta ha hirdido” 

Dhoohane: Waar bal telefoonkii baa layga sugayaayoo shirkii baanu galabta leenahaye nabad gelyo, idinka hawli idinka dhacdaye annagay nagu hadhaye. Waar waxaa noogu daran niman Soomaaliya jooga oo aanu u taag la’nahay oo maantaanu kala quusanaynaa.

Dhunkaal: Belo… waar kuwaa imminka ma cidbaa wax weydiisa, woxoogay meelahan uga ururiya oo dhawrka qabqablayaasha ahna qayilsiiya, kuwa shaambadaha sitana sow ma lihidin? Kuwaana afkoodii kula hadla oo side u badaw santihiin, kuwaana waa la yaqaan!! 

Wallee Dhoohanow inaydaan rag iska celinayn inta aad dad kale ku dhex jirtaan ama hoos joogtaan ee hawsha dardar geliya.  

 

Dhoohane: Haa bal waa dadaalaynaa nabad gelyo…….

 

Dhunkaal: Nabadeey. Waar ninkani ma shariif Aweys baa.

Shariif: Haa Dhunkaal nabad miyaa, maalmahaan nuurkaaga waa la waayey maxaa jira yaakhii? Taksigaagiina kii oo Bedel la dhahaayey oo wataan arkaye waxaaban is dhahaayey duqii waa dhoofay.

Dhunkaal: Waar ma dhoofina hawl adduun baan ku jiray. Soomaaliya wax ka wadnayoo arrimaan beryahaan ku mashquulsanaaa.

Shariif: Hawl adduun maxay tahay Dhunkaal ma awalaad hawl aakhiro ka shaqayn jirtay, war hooy maa joogtidoo iska xamaalatid Soomaaliya wax kuuma yaaliine. 

Dhunkaal: Ilaahow nimaan wax ogayn ha cadaabin! Miyaanad ogayn in qoladayadii dawlad samaysatay oo imminka aanu madaxweynayaal, wasiiro, baarlamaan yeelanay. Anigaygan kula hadlaya safiirka halkan wakiilka dawladaa uga noqonaya baa la ii soo magacaabayaa.

Shariif: Aboow..abooy, idinkoo aya ah? Shimeese sheekadeen keenteen?

Dhunkaal: Oo horta Shariifow ciddaan ahay ma taqaan?

Shariif: Maxaan kasaa yaakhii, maalin walba mid cusb baad jeebka kala soo baxaysaane…. Reer qaac, reer dabayl…..reer mutulu, idinka intee waxaan ku joojinaysaan, mise waa sii dhal-dhalanaayaanlee subxaana laa…Bal hadda kuwiina ii sheeg.

Dhunkaal: Shariif anaga waxaa nala yidhaahdaa reer dundumo, waxaanu samaysanay maamul noo gaara oo la yidhaahdo Dundumo Stayt.

Shariif: Dhegeyso saaxiibow, dadka fara dheerta ah markii shirkii Soomaaliya wax la qaybsanaayey waxaad noo sheegteen inaad tihiin afar khabiil, waxaad qaadateen halhal, afar maahoo, anaga oo shan khabiil oo dhulkanba aad ugu timaadeen idinka oo qorya wata, waxaad na tidhaadeen waxaad tihiin haaf. Haddana waxaa i leedahay afartiinii baa dawlado khabiila kale sii dhal dhalaaya…..Walaahay Soomaalidiinaan waa na wareeriseen.

Dhunkaal: Shariif arrintu sidaa maaha, xalku sidan buu ku jiraayoo qabiil waliba dawlad buu samaysanayaa, dabadeedna waxaa layusgu imaanayaa dawlad federaal ah oo inag dhexaysa ee idinkuna maad maamul samaysataan sidayada oo kale.

Shariif: Oday Dhunkaal, adiga waxaad ii sheegaysaa khabiil maahoo, basal waaye intee safbaa sii kala hooseeye. Adiga kuwan hadda aad ii sheegayso ee reer Dooli…Dundun may ahaayeen, intee qabiil baa ku sii hoos jira, intee ku joojinay. Berritana reer Dabayl oo reer Dundun ka tirsanaa ayaa madaxweyne samaystay baad soo wadaan… waar iga dhaaf waxaa aniga ha igu wareerine….Taydiibaaba inta igu haysatee, shaqaaan ku ordaa waa inoo mar kale. 

Waa socotaa ……………

 

shiikhgarbashaale@yahoo.com

 

webmaster@ceegaag.com