shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shamso Xasan Axmed oo Xafiis turjumaan luqadaha ah ka hirgalisay Magaalada Boston

(Boston Feb 19, 2012  Ceegaag Online)

Waxaa shalay oo Sabti ahyed bisha Feb 18, 2012 la furay xafiis awoodiisu tahay turjumaada ilaa 21 luqdadood oo ay ka dhex muuqato tan Soomaaligu. Xafiiskan oo ay hirgalisay Shamso Xasan Axmed oo ah gabadh ku hanaqaaday magaaladan Boston ayaa waxaa xafiiskaa furitaankiisa ka soo qayb galay wakiil ka socday xafiiska Duqa magaalada Boston Thomas Menino, gudoomiyaha degmada Roxbury Tito Jackson, iyo marti sharaf kale.

Xafiiskan ayaa waxaa lagu turjumidoonaa luqadaha ay ka midka yihiin Amxaariga, Carabiga, Haitian-Creole, Europa, Farsi, French, Hawsa, Korean, Nepali, Oromoda, Portuguese, Russian, Soomaaliga, Spanish, Swahili, Thai,  Kinyarwanda, Tigrinya, Turkish, Urdo and Vietnamese.

Xafiiska ayaa waxa ay hada rugtiisu tahay 1807 Washington Street Boston MA 02119. bogiisa sabakadaha isgaadhsiintuna uu yahay www.internationaltranslationcompany.com. Waxaa kale oo Shamso idin leedahay qofkii xirfad turjumaadeed isla haya in shaqo ka banaan tahay xafiiska, markaa codsigaaga shaqo ama adeeg udirso shamso@internationaltranslationcompany.com.

Daawo Sawirada Xafladaa 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com