shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

R/wasaare Kuxigeen Ahna Wasiirka Ganacsiga Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah Sweden Loogu Sameeyey”DAAWO SAWIRRADA”

( Katrina Holm. Sweden, Feb 12, 2012  Ceegaag Online)

Xaflad balaaran oo lagu soo dhaweyeynayey dadaalada iyo horumarka Dowladda Soomaaliya isla markaana si gaar ah loogu soo dhaweynayey R/wasaare xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumada Soomaaliya  Mudane C/wahaab Ugaas oo socdaal ku yimid Wadanka sweden oo sanadihii ugu dambeeyey uu  ku noolaa ayaa xalay lagu qabtay magaalada Katrineholm ee Dalka Sweden.

Xaflada Soo weynta wasiirka ayaa waxaa soo abaabulay Soomaalida katrineholm oo ah dad si weyn u taageera nabada iyo dowladnimada, ayaa waxa ay wasiirka iyo wafdigiisa u muujiyeen  soo dhaweyn qiimo leh iyada oo goobtii xaflada loogu sameeyey si weyn loogu hardhay calanka Soomaaliya, iyo Sawirada madaxda Qaranka Soomaaliya.

Xafladan ayaa waxaa hadalo qiimo badan ka jediyey, Siyaasiyiin, aqoonyahano, haween, iyo waxgarad kala duwan, waxaana ka mid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay,  Maxamed Cumar Sheekeeye. Faarax Cali Macalin, Ciise diin, Prof, Culimo C/laahi Hilowle, Maxamuud Aadan Masagawaay, Macalin Mahadi, iyo xubno kale  oo muhiim ahaa waxa ayna dhamaantood si diiran u soo dhaweeyeen R/wasaare xigeenka ahna wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane C/wahaab Ugaas, iyaga oo hadalo isugu jiray talaooyin iyo dhiirigalin halkaasina ku soo bandhigay.

Goobta xaflada ka dhaceysay ayaa Wasiirka lagu gudoonsiiyey shahaado sharaf, isaga iyo madaxda Qaranka, waxaana halkaasi ku gudoonsiiyey Yaasiin Maaxi Macalin oo ah Xildhibaan ka tirsan Degmada Katrineholm,  isla markaana ahaa abaabulaha xaflada soo dhaweynta Wafdiga Wasiirka, waxa uuna halkaasi  madaxda qaranka  ku bogaadiyey  howlaha iyo adeega nafhurnimada ah oo ay u hayaan umada Soomaaliyeed xiligan adag ee lagu jiro.’
R/wasaare Xigeen ahna wasiirka ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas oo halkaasi khudbad dheer ka jeediyey ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey howlaha dowladda ee mudooyinkii ugu dambeysay qabatay, gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada iyo horumar,  waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday isbadalada la filan karo  sida horumarka laga sameynayo xureynta gobalada dalka oo ay qeybo ka mid ah  ku sugan yihiin koxda nabad diidka ah ee Alshabaab.

Wasiirka oo maalintii shalay aheyd kulamo muhim ah la qaatay wasiiro ka tirsan dalkan Sweden ayaa sheegay in maanta Soomaaliya dunida u heelan tahay sidii ay u taageeri laheyd, waxa uuna ugu baqay jaaliyadaha Soomaaliyeed ina y maalgashadaan dalkooda ayna ka shaqeeyaan sidii dalka iyo dadka wax loogu qaban lahaa.

Khuadbada R/wasaare xigeenka ahna wasiirka ganacsiga  ka dib waxaa goobta lagu soo bandhigay su’aalo muhiim ahaa kuwaas oo uu wasiirku ka jawaabay.

Maalinta talaadada ah ayaa wasiirka waxa uu la kulmi doonaa Soomaalida ku nool magaalada maalmo halkaas oo ah  halka  uu wasiirka iyo qoyskiisa ay ku nool yihiin.

Abdirahman Hudeyfi
Sweden
Email: xudeyfi4@hotmail.com

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com