shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra段sulwasaaraha Oo Kulan Ballaaran Oslo Kula Qaatay Jaalliyadda Soomaaliyeed Ee Norway

(Oslo, Norway. Feb 29, 2012  Ceegaag Online)

Dhagayso Qudbadihii Xaflada qaybaheeda   1aad   2aad      3aad

Ra段sulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo Wafdi uu hogaaminayo ay socdaal ku marayaan dalka Norway ayaa caawa magaalada Oslo kula kulan ballaaran kula qaatay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Xafladda oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo iyagu daneynayey inay la kulmaan Ra段sulwasaaraha dalka iyo Wafdigiisa waxaana Wafdiga Ra段sulwasaaraha ka mid ahaa Ra段sulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen,Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)iyo la taliyaha Ra段sulwasaaraha ahna Afhayeenka Xukuumadda Mudane Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisoow).

Furitaanka aayadaha Qur誕anka kadib waxaa xafladda khudbado ay ku muujinayaan aragtidooda ku aadan xaalada dalka iyo waxqabadka Dowladda ka jeediyey xubno u hadlay Jaaliyadda oo isugu jiray dhalinyaro,haween,odayaal iyo Aqoonyahano waxaana ay dhammaanba muujiyeen sida ay waqtigan ugu qanacsan yihiin waxqabadka Dowladda ayagoo taana ka hambalyeeyey.

Ra段sulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali oo Xafladda ka jeediyey khudbad dheer ayaa ugu horeyn Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway uga mahad celiyey sida ay usoo agaasimeen xafladan qiimaha badan waxaana uu Ra段sulwasaare C/weli faah faahin ka bixiyey waxqabadka Dowladda iyo waxyaabaha waqtigan qorshaha u ah.

Ra段sulwasaare C/weli waxa uu dhanka kale ka hadlay Midnimada Umadda Soomaaliyeed waxaana uu tilmaamay in Midnimada Umadda ay tahay muqadas islamarkaana Soomaali meel walba oo ay joogto looga baahan yahay inay ilaashadaan islamarkaana isku duubnaadaan aysanna ogolaan in lakala qeybiyo.

Mudane C/weli Maxamed Cali ayaa sidoo kale ka hadlay waqtiga KMG ee Dowladda oo ku eg bisha August 20keeda sanadkan aynu jirno ee 2012 waxaana uu tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in laga gudbo KMG nimada wadadii looga gudbi lahaana ay hada Dowladdu heysto taasi oo ah hirgelinta Road-Mapka.

Ugu dambeyn waxa uu Ra段sulwasaare C/weli Maxamed Cali baaq u jeediyey guud ahaanba Jaaliyadaha Soomaaliyeed waxaana uu ugu baaqay iney ka qeybqaataan dib u dhiska dalkooda islamarkaana loo baahanyahay in dadka aqoonta leh ee dibadaha wax ku bartay ay umadooda ugu adeegaan waxa ay barteen.

Sidoo Kale xafladda. Waxaa ka hadlay xafladda Ra段isul Wasaare Ku xigeenka Ahna Wasiirka Ganacsida iyo Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya iyo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Norway iyo Ubah oo ka mid ah Xildhibaanada Deegaanka ee Oslo. Waxaana xafladda xiriirinayey Baashe oo isna ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Oslo.

Intii ay Xafladdu socotay ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway waxay Ra段sulwasaaraha gudoonsiiyeen shahaado sharaf ayadoo dhanka kalena goobta lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka turjumayey qiimaha wadaniyadda waxaana guud ahaanba ay xafladdu kusoo gabagabowday jawi aad u wanaagsan.

Daawo Sawirada Xaflada

Xigasho:Radiyowmuqdisho

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com