shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra'iiisul Wasaaraha oo la Kulmay Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Norway iyo Mas’uuliyiin kale, soona booqday Xarunta Biladaha Nabadda”

(Oslo, Norway. Feb 28, 2012  Ceegaag Online)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo weli booqasho rasmi ah ku jooga Norway ayaa maanta waxaa kulamo la yeeshay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway Mr Bondivik, Guddiga Ganacsatada Maraakiibta Norway, iyo Safiirka Mareykanka ee Norway. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxey soo kormeereen Xarunta Nabadda ee lagu bixiyo biladaha caalamiga ee loo yaqaano “Nobel Peace Prize Centre”.

Kulankii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Mr Bondevik ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Abdiwahab Ugas, Safiirka Midowga Yurub Nur Adde iyo mas’uuliyiin kale. Labada mas’uul ayaa waxey ka wada hadleen sidii Mr Bondevik iyo Xaruntiisa Nabadda ee Oslo ay kaalin mug leh uga qaadan laheyd dib u dhiska hay’adaha dowliga ah iyo arrimaha nabadeynta. Mr Bondevik ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka siyaasadda, amniga iyo horumarka ballaaran ee dhaqangelinta Roadmapka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxey booqdeen Xarunta Biladaha Nabadda (Nobel Peace Prize Centre) ee dalka Norway oo caan ku ah bixinta biladaha nabadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka dib kulan dheer oo qado sharaf ah la qaatay Guddiga Milkiilayaasha Maraakiibta Norway oo ay ka wada hadleen sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha burcad-badeeda. Waxaana la isku raacay in xalka uu ku jiro in Dowladda Soomaaliya lagala shaqeeyo sidii ay amniga iyo kala danbeynta u soo celin laheyd oo loo dhisi lahaa hay’adaha amniga iyo in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro mashaariic shaqo si ay bulshada wax u taraan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan kale la qaatay Safiirka Mareynkanka u fadhiya Norway oo ay ka wada hadleen shirkii London iyo sidii Mareykanka iyo Soomaaliya uga wada shaqeyn lahaayeen dhameystirka marxaladda kala guurka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu caawa kulan la qaato jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo xaflad heer sare ah u qaban qaabiyey Ra’iisul Wasaaraha oo ay ku soo dhoweynayaan.

Xigasho:Radiomuqdisho

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com