shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qabsashadii Somaliland ee Laascaanood khasaare iyo faa’iido (Qaybtii labaad).

(Laascaanood  Feb 21, 2012  Ceegaag Online)

Ku dhawaaqistii maamulka Khaatumo waxaan shaki ku jirin in ay soo afjartay, oo meesha ka Saartay dhamaan andacooyinkii ay Somaliland ugu marmarsoon jirtay kala gownta Soomaaliya, maantana qadiyada Somaliland waxay ka dhigan tahay sidii neef la birayay.

Waxaa se xaqiiqa aan mugdi ku jirin ah, in ay Somaliland aqbali doonto ugu dambaynta jirtaanka maamulka Khaatumo, iyo in ka bixidooda magaalada Laascaanood uun ay ka hadhsantahay maalmo tirsani, si kastaba ha kaga baxaan ee.

SSC waxa faa’iido iyo guul ugu filan in maanta 21 sano ka dib, Somaliland lagu sandulayo, in ay dib u soo dhex fadhiisato shir Soomaalida loo qabanaayo, oo weliba shuruud looga dhigay in aanay kaga hadli Karin kuna soo qaad qaad Karin shirkaa qadiyadoodii gooni isu taaga.

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray jidkiisii oo ku hadaysmay hanuunkiisa ilaa iyo maalinta qiyaamaha, Intaas ka dib:

Qaybtii hore ee qoraalkan waxaan ku soo qaadanay sidii ay u dhacday qabsashadii magaalada Laascaanood iyo shirqoolkii dowliga iyo daakhiligaba lahaa ee taas suura geliyay, waxaynuna ku sheegnay qoraalkaas in shirqoolkaasu ahaa heshiis dhex maray shan dhinac oo saddex ka mid ah yihiin Soomaali, oo kala ahaa DKM ee waqtigii madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf, Puntland iyo Somaliland,

Iyo laba dhinac oo shisheeye ah, oo kala ahaa dowlada Itoobiya iyo beesha caalamka, oo ay metelayeen haya’adaha samafalka loogu yeedho. Hadaba qoraalkan maanta waxaynu ku eegaynaa shantaa dhinac mid walba, waxa khasaare iyo faa’iido ah ee ka soo gaadhay qabsashadii Soomaaliland ee magaalada Laascaanood iyo weliba dhibanaha qabsashadaas oo ah shacabka SSC, ee hada samaystay maamulka

Cusub ee Khaatumo State of Somalia, kaas oo ka mid ah midhihii ka dhashay shirqoolkaas aynu soo xusnay, ugu dambayntana waxaan ku soo afmeeri doonaa qoraalkan inshaa Allaahu samayntii maamulkaas Khaatumo iyo laba Libaax oo shacabka SSC ka dhex toosay. Waana sida tan:

Dhinacyadii shisheeyaha ahaa: dhinacyada shisheeyuhu, iyagu mar walba arintan iyo kuwa la midka ahba, wax khasaara ahi kama soo gaadhayaan, bal iyaga faa’iido ayaa ugu jirta, iyagoo sidaynu la wada socono Soomaaliya guud ahaan ka leh ujeedooyin badan iyo dano, baa waxay u tahay arintan oo kale deris ay ku baranayaan shacabka Soomaaliyeed, iyo waxay kala yihiin, iyo sida ku haboon ee ay qola

 Walba ula macaamilayaan, markaas iyagu way ka faa’iideen arintan, oo waxay ku ogaadeen arima badan oo markii hore mugdi kaga jiray, oo la xidhiidha Somaliland iyo Puntlandba, qaab dhismoodkooda iyo danaha guracan ee ay rabaan inay ku fushadaan dowladaha deriska ah sida Itoobiya iyo beesha caalamka, markay iyaga ku adkaatay fulintoodu, waxay kaloo ku ogaadeen xaqiiqada shacabka SSC iyo rabitaankooda.

Somaliland: Somaliland oo hada mudo laga joogo 21 sanadood ku dhawaaqday gooni isu tag, ay kaga madax banaananayaan Soomaaliya inteeda kale, ayaa la rumaysan yahay in ay tahay dhinaca khasaaraha ugu wayn, ee ugu balaadhani ka soo gaadhay shirqoolkaa aynu soo xusnay, waxayna Somaliland ahayd dhinacii loogu hiilinaayay, ee qabsaday magaalada Laascaanood, maamulka Somaliland oo ah ururkii

SNM oo isu rogay maamul, waxa loo tiriyaa in ay masuul ka ahaayeen fidnadii wada saamaysay Soomaaliya oo dhan markii dambe, ee keentay burburka uu dalku ilaa maanta ku sugan yahay, hase yeeshee waxay gooni isu taaga ku dhawaaqeen, iyaga oo aan wada haysan dhamaan gobolada woqooyi galbeed, waxayna bilaabeen isla markiiba, oo aad ugu dedaaleen in ay caalamka u sheegaan andacooyin

Badan oo aan wax asaas ah lahayn, oo ay ku taageerayaan qadiyadooda, kuwaas oo ay ilaa xad ku guulaysteen, waayo ma ay jiri jirin cid ka daba tagta oo caalamka ku baraarujiya andacooyinkan aan waxba ka jirin, ee ay dunida ku faafinayaan, hase yeeshee shirqoolkii ay Laascaanood ku qabsadeen, halka ka sugayeen in uu wax wayn u sii kordhiyo, ama siday qaarkood ku sifayn jireen in qabsashada

 Laascaanood tahay furihii ictiraaf ay ka helaan caalamka, bay waxay ku noqotay qabsashadaasu siday Soomaalidu ku maah maahdo “Geelow geed walba daaqday, ee maalinta aad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa”, qabsashadii Laascaanood waxay ku noqotay beesha degta magaalada taxadi aad u wayn, oo aanay marnaba aqbali Karin, waxayna dareensiisay karaamo iyo sharaf dhac, waxana cadhadii beesha

Cirka ku sii shareeray, markii odayadii dhaqanka, waxgaradkii, culimadii iwm, ee beesha dhisatay maamulka Somaliland, ay si toos ah oo aan kala hadh lahayn isu daba taageen, oo ku taageereen maamulkooda qabsashadii Laascaanood, iyagoo ku andacoonaaya in goboladaasu ay ka mid yihiin Somaliland, sidaas darteed beesha SSC,waxay bilaabeen markiiba sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen

 Ciidamadan magaaladoodii qabsaday, hase yeeshee bilowgii, waxay ololaha dibu soo celinta magaalada ka bilaabeen dhinac Puntland, iyagoo filaayay in maamulka puntland doorkan ku kici doono, waayo shacabku ma fahamsanayn in maamulka Puntland qayb ka yahay shirqoolkan magaaladooda lagu qabsaday, Puntlandna abaabul kasta oo la samayo way kala tuuraysay, sidaynu ku xusnay qaybtii kowaad

 Ee qoraalkan, hadaba ka dib markii shacabka SSC ay u cadaatay mowqifka Puntland, ee ah in aanay diyaar u ahayn, in ay dib u soo celiyaan magaalada xooga lagaga qabsaday, waxay bilaabeen shacabka SSC in ay iyagu isku tiirsadaan oo aanay waxba ka sugin maamulka, oo ay iyagu xoraystaan dhulka laga haysto, hase yeeshee waxaa beesha ka dhex jirtay muwaafaqa la’aan baahsan iyo fara gelin kaga

 Imanaysay Puntland iyo Somalilandba, taas oo caqabad ku noqotay in ay si midaysan uga wada hawl galaan xoraynta dhulka, sidaas darteed waxay bilaabeen, in ay arintan u wajahaan si ferdi ferdi iyo koox koox ah, waxayna bilaabeen dagaalo yar yar iyo dhinaca siyaasada, in ay ka daba tagaan dhamaan andacooyinkii ay hore Somaliland ugu faafisay aduun waynaha, iyagoo u cadaynaaya beesha caalamka in

 Aan andacooyinkaasu lahayn wax aasaas ah, oo aanay waxba ka jirin, Somalilandna ay tahay uun qabiil wax ka dega goboladaa ay ku andacoonayaan, oo aanu haba yaraatee jirin wax heshiis ah oo ku dhex maray qabiilada kale, ee la dega mandaqada, oo ah in la kala gooyo Soomaaliya, oo loo qaybiyo woqooyi iyo koonfur siday iyagu ku andacoonayaan, bal ay si baadil ah ugu been abuuranayaan, rabitaankoodna ay

 Doonayaan in ay ku socodsiiyaan awood ciidan, iyo taageero guracan oo ay beesha caalamka ka helaan, oo ay doonayaan in ay ku sandulayaan shacabka kale ee la dega mandaqada, ciidankaas oo ay ku dhisteen mucaawinadii iyo gargaarkii bani aadamnimo, ee beesha caalamku u fidin jirtay, oo ku kaalmayn jirtay maamulkaas, xaqiiqadatan oo u cadaatay beesha caalamka, waxay wax wayn ka bedeshay waxay ka

Aaminsanaayeen Somaliland, beesha SSC in kasta oo aanay arintan ku wajihin si midaysan sidaan hada soo xusnay, hadana waxay mudo kooban dhaawac aad u wayn, oo xaga siyaasada ah, ku gaadhsiiyeen qadiyadii ay Somaliland mudada dheer ka dhaadhicinaysay aduunka, waxana taas barbar socoday dagaalo yar yar oo dhowr meelood ka dhacay, ilaa uu yimid dagaalkii waynaa ee Kalshaale, kaas oo gilgilay

 Rukumadii ay ku taagnayd Somaliland iyo qadiyadeediiba, waxaana markii u horaysay meela badan oo aduunka ah ka dhacay mudaaharaadyo, Somaliland lagaga soo horjeedo, siiba London iyo Washington, tan oo ah mid aan awel hore cidi ugula tartami jirin Somaliland, waxa loo gudbiyay cabashooyin badan beesha caalamka, Qaramada Midoobay, IGAD, iwm, oo loogu sheegaayo in Somaliland leexsatay

 Deeqihii aduunku ugu tala galay gobolada SSC, taas waxaa barbar socday dedaalo ay beesha SSC ku midaynayso awoodeed dhinaca siyaasada, dhaqaalaha iyo ciidankaba, kaas oo ugu dambayntii ku soo dhamaaday guul iyo inay dhistaan maamul iyaga u gaar ah, oo toos u hoos taga DKM, kaas oo loo bixiyay ‘maamul goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya’ waxaynuna maamulkaas iyo siduu ku yimid ku

 Faah faahin doonaa qoraalkan xagiisa dambe, ku dhawaaqistii maamulka Khaatumo waxaan shaki ku jirin, in ay soo afjartay, oo meesha ka saartay dhamaan andacooyinkii ay Somaliland ugu marmarsoon jirtay kala gownta Soomaaliya, maantana qadiyada Somaliland waxay ka dhigan tahay sidii neef la birayay, marka neefka la birayo waa la sii daayaa si uu u galgasho, oo u rafto ilaa ay naftu si fiican uga

 Baxayso, taas waxa ka dhigan maanta qadiyada Somaliland, dagaaladii ismiidaaminta ahaa, ee ay Buuhoodle ku qaadeen, iyo kuwa dambe oo laga yaabo in ay mandaqada ka dhacaanba, ama iyagu ha qaadeen ama ha lagu soo qaadee, waxay ka dhigan yihiin uun galgalashadaa iyo rafashadaa, waxaa se xaqiiqa aan mugdi ku jirin ah in ay Somaliland aqbali doonto ugu dambaynta jirtaanka maamulka

 Khaatumo, iyo in ka bixidooda magaalada Laascaanood, uun ay ka hadhsantahay maalmo tirsani, si kastaba ha kaga baxaan ee, sidaas darteed waxa fiicnaan lahayd in maanta caqligu shaqayo, oo ay Somaliland aqbasho hada waaqica dhulka ka jira, ee aanay suurta galka ahayn haba yaraatee, in ay wax ka bedesho, intii ay dhici lahaayeen dagaalo dhiig badani ku daato, hanti badanina ku burburto, aan se

 Waaqica hada jira waxba ka bedeli doonin, sidaasna waxa inoogu cad in khasaarihii ugu waynaa ka soo gaadhay Somaliland qabsashadeedii Laascaanood.

 Puntland: Puntland oo ka mid ahayd dhinacyadii shirqoolka lagu qabsaday Laascaanood ka qayb qaatay, ahaana dhinacii ugu daafacaada badnaa, si aanay marnaba magaaladu ugu soo noqon gacanta shacabka iska leh, taas oo aynu aad ugu faah faahinay qoraalkan qaybtiisii kowaad, ayaan iyadana aanu yarayn khasaaraha ka soo gaadhay qabsashadii Laascaanood, waxa ka dhashay oo hadheeyay Puntland

 Nacayb ay shacabku u qaadeen maamulkoodii, iyagoo u arka in maamulkoodii khiyaamayay, oo dhulkii Puntland ku tagri falay, oo qaarkiis maamul kale uga tanaasulay, waxay u arkeen in maamulkoodu yahay mid keli talis ah, oo aan ka turjumayn baahida iyo rabitaanka shacab waynaha Puntland oo dhan, waxay u arkaan in uu yahay mid aanay u sinayn shacabku dhakhliga wadanka iyo ka qayb qaadashada siyaasada

 Iyo maamulka, waxay u arkaan maamul u adeegaaya shisheeye iyo dhinacyo Soomaali ah, oo wadanka kala gownaaya ama aan maslaxadiisa rabin, waxay u arkaan maamul musuq maasuq, idaarad xumo iyo nin jeclaysi hadheeyay, oo aan ka talinayn horumarka Puntland, waxay arkaan maamul caqabad ku ah sidii Soomaali laysugu keeni lahaa, oo loo abuuri lahaa dowlad qaran, loona soo celin lahaa karaamadii

 Iyo sharaftii ummada ee burburtay, taas oo ahayd sababtii iyo himiladii kowaad, ee loo aas aasay maamulka Puntland, sidaas awgeed waxa dhacday in dhowr meelood oo Puntland ka mid ah lagaga dhawaaqay maamul goboleedyo, nabadii iyo xasiloonidii goboladuna faraha ka baxaan, shacabkii iyo maamulkiina is colaystaan, ugu dambayna waxa maamul goboleed loo bixiyay Khaatumo, lagaga

 Dhawaaqay gobolada SSC, goboladaas oo ahaa kuwo ku leh Puntland miisaan aad u culus, wallow sidaan soo xusnay hada, uu maamulku horeba ugaga tanaasulay goboladaa maamul kale, oo aanay hada ka bixidoodu, aanay macna wayn ah u samaynayn maamul ahaan, sidaasna waxayba dad badani shaki ka qabaan in ayba sii jiri doonto Puntland, hadaan maamulkan hada ka jira, ee kala fogeeyay shacabkii

Puntland la bedelin, sidaasna waxay Puntland ku noqotay dhinacii labaad, ee uu khasaaruhu ka soo gaadho qabsashadii Somaliland ee Laascaanood.

DKM: DKM ah ee ka qayb qaadatay shirqoolkii ay Somaliland ku qabsatay Laascaanood, waa tii uu madaxwaynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed waqtigaas, iyaguna waxay shirqoolkan ku taageerayeen dowlada Itoobiya iyo maamulka Puntland, khasaarahana waxay la wadaagaan Puntland oo ay shirqoolkan ugu hiilinayeen, laakiin se DKM ee uu hada madaxa ka yahay Shiikh Shariif Axmed, wax

 Lug ah kuma laha shirqoolkaa, markay xukumka yimaadeena, waxba kama qaban dhibtii uu shirqoolkaas sababay, in kasta oo ay xoogaa caadifad ah u muujiyeen dhinac SSC, sidoo kalena ay xoogaa caadifad ah u muujiyeen dhinaca Somalilandna, lama garanaayo labada caadifadood mid ay ka run sheegayaan! Hase yeeshee waxaan shaki ku jirin in hadba dhinacii ay beesha caalamku la soo safato, ay iyana la safanayaan!

Dhibanaha: dhibanaha oo ah shacabka SSC, waxa la rumaysan yahay in uu yahay dhinaca ka faa’iiday shirqoolkaas, in kasta oo ay shacabka SSC shirqoolkaa ka soo gaadhay dhibaatooyin badan, oo aad u waawayni, oo isugu jira dil, dhaawac, hanti burburtay, barakac, dibudhac waxbarasho, mid caafimaad, mid dhaqaale iwm, hadana waxaa faa’iido iyo guul ugu filan, in ay dumiyeen rukumadii ay ku

 Taagnayd Somaliland tii dulmiga iyo wax yeelada u gaystay, oo caalamka ku baraarujiyeen xaqiiqada iyo wejiga dhabta ah ee Somaliland, waxa faa’iido iyo guul ugu filan in maanta 21 sano ka dib Somaliland lagu sandulayo, in ay dib u soo dhex fadhiisato shir Soomaalida loo qabanaayo, oo weliba shuruud looga dhigay in aanay kaga hadli Karin kuna soo qaad qaad Karin shirkaa qadiyadoodii gooni isu taaga, ee bal

Ay ku koobnaadaan in ay shirkaa kaga hadlaan horumarka ay ka gaadheen dhinacyada nabada iyo diimuqraadiyada, fariintaas amarka ah, oo ay u soo gudbiyeen dublomaasiiyiin aad uga meeqaam hoosaya, kuwa inta kale ee Soomaaliya gaadhsiinaayay casuumada shirka London, taasuna waa guul ka dhalatay dedaaladii faraha badnaa ee shacabka SSC samayeen, iyada oo ay dowladaha reer galbeedku aad

 Uga xumaadeen beenta ay Somaliland waqtiga dheer u sheegi jirtay, ee ah in shacabka gobolada woqooyi isku raacsan yihiin gooni isu taaga, iyada oo sidaad ka war qabtaan dadka reer galbeedku aad u neceb yihiin beenta, Somaliland waxaad moodaa in beentii ay ku bilaabeen waqtigii ay ahaayeen jabhadii SNM, ay ka soo noqon kari waayeen oo ay caadaysteen, waxaa aad la yaab iyo naxdin u lahaa in

 Dagaalkii Buuhoodle dhowaantan ka dhacay oo lagaga dilay ciidan kor u dhaafaya boqol, hub iyo saanadna lagaga qabsaday, caalamka laga wada arkayay, in ay dafiraan oo yidhaahdaan meeshaa dagaalba kama dhicin!!! Waa yaabee ma waxaanay ka war hayn halka caalamku maraayo manta, iyo inaan wax qarsoomi karaa jirin!! Meeday se xuquuqdii iyo karaamayntii askartii Somaliland darteed dagaalka ugu

 Hoobatay, ma waxa abaalkoodii noqday in geeridooda la qariyo, maytkoodana xurfad sheewal lagu qoday, labaatan iyo ka badanba loogu aaso, siday yihiin eyo ama dameero bakhtiyay!!! Ma taas baa abaalka ay ka mudnaayeen maamulkooda!!! Tan kale ee la yaabka leh, waxay tahay markay rag

 Aqoonyahano iyo siyaasiyiin ahi, ay shacabka ku odhanayaa ictiraaf uma baahnin, oo Taywaanba ictiraaf ma haysato, iyana ay ka rumaysanayaan!!! Ma waxaanay aqoon Taywaan in ay Mareekan tahay!!! Iyagu ma Mareekan baa!!! Waxa halkaa kaaga muqata in maamulka Somaliland iyo taageerayaashiisuba cadaysteen beenta, waxa guul wayn u ah shacabka SSC in ay maanta samaysteen maamulka khaatumo, kaas oo soo afjaray, marmarsiinyo iyo andaca kasta, oo la rabay in Soomaaliya lagu kala gooyo.

Samayntii maamulka Khaatumo iyo laba Libaax oo SSC ka dhex toosay.

Shacabka SSC intii Soomaaliya burburka ku jirtay, waxay la kulmeen maag lays maago kii ugu waynaa, ee ugu la yaabka badnaa, waa mid ka yaab badan kii uu ka gabyay halyay Ismaaciil Mire Allaah ha u naxariistee, markuu lahaa ‘ragow maaga maagaa ka wayn yaa maqlay oo joogay’, waana in ay beel ay walaala yihiin ku tidhaahdo dhulkan aad degan tihiin waa Somaliland, oo anagaa leh, idina naga mid baad

 Tihiin, hadiise aydaan idinku rabin Somaliland, u guura meeshaad rabtaan, dhulku se waa Somaliland, waayo dhulku ma guuro ee dadkaa guura!!! Fikirkan wuxuu la mid yahay kuway aaminsanaayeen Naasiyiintii Jarmalka, cadaankii Koonfur Afrika, iwm, hase yeesheearintan mudo dheer wax fal celin ah lagama samayn, oo waxaa loo arkaayay hadal aan macna wayn lahayn, oo dad qayra masuul ah iskaga

Qarwayaan, laakiin qabsashadii ay Somaliland qabsatay Laascaanood, waxa shacabka SSC ku baraarugay khatarta ka dambaysa hadalkan cunsuriga ah, waxana fal celin ka samayay dad badan oo aan markii hore ka hadli jirin arimahan, waxaa ka mid ahaa dadkaas fanaanada wayn ee Saado Cali Warsame, waxayna bilowday iyada oo fankeeda adeegsanaysa, in ay ku baraarujiso shacabka, khatarta ugu sugan shacabka

SSC iyo Soomaaliya guud ahaan, in uu qabsado maamulka Somaliland dhulka SSC, hase yeeshee waxaa caqabad ku noqotay Saado Cali midnima la’aanta beesha dhexdeeda ah, iyo in aanu jirin hogaamiye isu soo taagay, oo isu xilqaamay in uu beesha ka gudbiyo marxaladan adag, laakiin se Saado Cali taasu may niyad jebin, halgankeedana way sii dardar gelisay, shacabkana waxay u sheegi jirtay had iyo jeer in uu

Soo bixi doono hogaamiye libaax ah oo beesha midayaa, sidii ayna Libaaxaa u saadinaysay, mar ay tidhaahdo libaax baa iman libta qaata ee suga, iyo mar ay tidhaahdo mid bulbulaa baa yimid, ayaa mar qudha maaha mid keli ah ee, ay laba Libaax ka dhex tooseen shacabkii SSC, waa laba nin oo aqoon yahan ah, oo Soomaaliya iyo aduunkaba si wayn looga yaqaano, oo looga qaderiyo, waa laba siyaasi oo yaqaana

 Afka diblomaasiyada ee aduunka lagula hadlo, waa laba nin oo wadaniyiin ah, oo maslaxad guud ee Soomaaliya, wax kasta ka hor marinaaya, waa laba nin oo dhaqaalaha ku xeel dheer, waa laba nin oo leh aqoon diini ah iyo khuluq wanaagsan, waa laba nin oo Allaah hibo u siiyay xikmada, aftahanimo iyo aragti suuban, waa laba nin oo is buuxiya oo midba ka kale inta ka dhiman u dhamaystiraayo, waa Prof.

Cali Khaliif Galaydh iyo Dr. Cali Ciise Cabdi labadoodaba Allaah ha dhowr ee, labadan aqoonyahan hore uma soo dhex geli jirin arinta beesha, iyaga oo ka war qabay dhibta jirta, hadana waxay ka doorbidi jireen, oo isku hawli jireen in Soomaaliya dhibta ka taagan la xiliyo horta, dhibaatooyinka SSC ka jiraana ay taas ku xalilmayso, hase yeeshee markii loo maara waayay in la xiliyo dhibta guud ee Soomaaliya, oo

 Looga maara waayay fara gelin shisheeye, ugu dambayntiina ayba gaadhay meel ay talo fara ka haaday, ayay waxay garowsadeen bal in hoos wax laga soo bilaabo, oo bal horta ay beeshooda oo aduunka si wayn looga dareensaanaa kala qaybsanaantooda, ay bal horta iyaga midayaan, rabitaankoodana u suura geliyaan, waxayna bilaabeen in ay shir ka madax banaan gacma shisheeye iyo Soomaaliyeedba ugu

 Qabtaan magaalada Taleex, runtii shirkaasu wuxuu ahaa kii ugu fiicnaa ee ay abid qabsato Soomaaliyi, xaga abaabulkiisa, maarayntiisa iyo fulintiisaba, wuxuu shirkaasu ka dhacay madal aad u qurux badan, oo geed hoostiisa, looguna magac daray Berdihii Khaatumo, waxa halkaa isugu yimid dhamaan qaybaha kala duwan ee shacabka SSC, shirkaas oo ajandihii laga dhex samayay doodihii shacabka, wuxuu ku

 Dhamaaday guul iyo is afgarad aan laga filayn, marka loo eego kala qaybsanaantii xooganayd ee beesha ka dhex jirtay, waxana lagu aas aasay maamul goboleed tayo leh, oo ay yeeshaan gobolada SSC, kaas oo loo bixiyay “maamul goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya”, waxaynu ka faa’iidaysanaynaa arintan in ay Soomalidu u baahantahay shir balaadhan oo ay gudahooda ku qabsadaan, oo ay aayahooda kaga

 Tashadaan, oo ka madaxbanaan fara gelin shisheeye, iyo inay Soomaaliya u baahan tahay hogaamiye danta guud ka fekeraaya, oo ummada midaya, aanay se waxba u soo kordhinayn, shirarkan shisheeyuhu hadaba u qabanaayo, oo arimaha markaa taagan uga sii daraaya uun.

Wabillaah atowfiiq

Ciise Maxamuud Aadam

almutawaadic@yahoo.com

Ceegaag Online way ka madax banaan tahay figrada qoraalku xambaarsan yahay kala xidhiidh wixii bogaandin ama dhaliila qoraaga ku saxeexan............

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com