shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ogaysiis: Waxaan Akhrisyaashayada qaaliga ah qaarkood aanan laga raali galinayn daabicid la'aanta qoraladiinii Mawliidka.

(Ceegaag, Feb 07, 2012 Ceegaag Online)

 

Anaga oo aad u tixgalinana figradihiina, balse shabakadan waxaa lagu daabacaa oo kaliya waxa dhaca ama la hubo inuu dhacay. Waxaa xaqiiqo ah in uu Asxaabadii diinta ka reebay Rasuulkeenii inay gunta ka jareen geedkii ay ka dhacday Heshiiskii Xudaybiya, Markii ay arkeen dad hoostiisa barbarakeesanaya. Barbaraykasiga makhluuqana xitaa Rasuulada iyo Awliyada ilaahay ay xaaraan tahay.

Shabakadan waxaa gacanta ku haya Saalixiya! Sidaa awgeed wixii ay daabacaso waa in aad loo hubiyaa, hadii aan usoo daadago qoraalada Mawliidka oo macnohooda aan ka dareemay waxa afka ingiriiska lagu yidhaahdo "Birthday Party" loo qabto Rasuulkeenii Maxamed (Nabadgalyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee) oo laga soo min guuriyay Cagaariyiin reer Masar ahaa asalkuuduna islaamnimadooda Calaamad su'aal saarnayd!!!.

Sidaa awgeed anaga oo aan marnaba ka tanaasulayn dhex dhexaad nimadayada balse waxa dadka lagu majaro habaabinayo kama qayb qaadan karno, cidii haysa Xadiis ama Aayad Quraana oo farasa umadaha Islaamka inay wayneeyaan una dabaal dagaan dhalashada midkamida Rasuulada ilaahay aadanaha usoo diray noosoo sheega Culimada Webka ayaa loo gudbinayaa e.

Maqaaladiinana waanu sii daynanaa balse Hadii aysan ficilkaasu Diin ahayn idinkama raali galinano dabicid la'aanta waayo Bidcada iyo sixun wax usheegu sixirka waa ka daran yahay.

Eng. Xuseen Fiin

Boston, USA

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com