shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha IGAD Maxbuub Macalin iyo Kalkaaliyaha Wasiirka Maaliyada ee Kenya Oburu Odinga oo Shir Xogwaraysi ah la yeeshay Jaaliyada reer Afrikada Bari magaalada Boston.

(Boston Feb 16, 2012  Ceegaag Online)

Shirkan oo looga gol lahaa sidii loo heli lahaa is afgarad iyo wada shaqayn dhexmarta halwadeenada ururka IGAD (Inter-Governmental Authority on Development)  iyo jaaliyada reer Afrikada Bari eek u dhaqan magaalada Boston. Loogana gun gaadhi lahaa sidii  ay jaaliyadu gacan uga gaysan lahayd horumarinta Geeska Afrikada Bari.

Ugu horayn shikan waxaa furay Cabdulqaadir Yaasiin, Madaxa ACEDONE oo loo faahfaahiyo (African Community Economic Development of New England) isagoo xidhiidhinayay shirka judhii horena wuxuu ku soo dhaweeyay shirka Xuseen Dayib oo ah Gudoomiyaha Gudiga Turxaan Bixinta ee Soomalida Boston (Chairman Greater Boston Community Dialogue Steering Committee). Xuseen Dayib ayaa isna ka bixiyay warbixin kooban Taariikh nololeedka Gudoomiyaha IGAD Maxbuub Macalin.

Cabdulqaadir Yaasiin                                                                        Xuseen Dayib

Maxbuub ayaa isna ka hadlay shaqada IGAD iyo faa’idooyinka uu urukaasi u leeyahay bulshada samaysatay oo dhan 212 malyan oo qof, kuna nool 8 wadan oo uu ugu danbeeyay wadanka Koonfurta Suudaan. Maxbuub wuxuu aad ugu dheeraday sida uu aadka uga qanacsan yahay shaqada uu u hayo urur gobeleedka IGAD. (Riix Akriso macluumaadka IGAD) Waxaa kale oo uu dhalinta ku guubaabiyay waxbarashada isaga oo yidhi hadii Illaahay Mareekan oo dadku la'yahay ku keenay aadna tahay shaqsi da'yar oo aanad mutacalim noqon waxaan ku oranayaa 'waad qasaartay waalidkaana waad qasaarisay Imtaxaanadu waa adag yihiin mar dhac, marlabaad dhac, marsadexaadka waad baasasaa ee Iskuulaadka haka saaqidina'.  

Sidoo kale Xuseen Dayib wuxuu shirka ku soo dhaweeyay Kalkaaliyaha Wasiirka Maaliyada ee Kenya Oburu Odinga oo isna ka hadlay Dooroshooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Dalka Kenya, Ganacsiga ganacsatada Soomaalida Islii iyo South C, oo ku tilmaamay inuu yahay 0.01% marka loo eego dhaqaalaha Kenya sanadkii, dadka Soomaalida farta ku godayana ay yihiin kuwo aan waxba la socon. Sidoo kale waxa uu ka hadlay Sarifka Doolarka iyo sida uu maciishada u wax yeeleeyo marka uu hoos u dhaco. Waxaa uu aad ugu amaanay jaaliyada sida ay uga qaybqaataan kobcinta dhaqaalaha. Dhinaca Dacwadaha lagu soo oogay dad Kiinyaati ah loona dhaadhicinayo Heeg ayuu warbixintiisa kusoo gabo gabeeyay.

Shirkan oo socday mudo labasaac iyo badh ah ayaa markii danbe si aada loogu jeexjeexay sida shaqo looga heli karo IGAD, Soomaaliya iyo xaaladeeda ay maanta maraso, Dhaqaalaha dalalka Kenya iyo Itoobiya, iyo sida jaaliyadu uga faa’idaysankarto xaga xirfadooda iyo maalgashigoodaba.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com