shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faahfaahin dheeraad ah dagaalkii saaka ka dhacay degaanka u dhexeeya Qorulugud iyo Maygaagale ee Gumarta.

(Buuhoodle, Feb 08, 2012 Ceegaag Online)

Abbaarihii 5 subaxnimo ee saaka waabarigii ayaa ciidanka degaanka Buuhoodle weerar qorshaysan ku qaadeen fadhiisimaha ay ku sugnaayeen ciidamada Soomaaliland oo ku sugnaa inta u dhaxaysa Qorulugud iyo Maygaagale. Khasaarha ka dhashay dagaalkaas dhacay aroortii hore ayaa warar xogogaal ahi sheegayaan in khasaare farabadan oo naf iyo moodba leh uu ka soo gaadhay ciidanka Soomaaliland. Dagaalkaas ayaa wararku sheegayaan in ciidanka Soomaaliland looga dilay tiro gaadhaysa  illaa 20 qof oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo haystay urur ku gaashaaman hubka culus oo la’aranjiray Xuseen Cabdulaahi Qodax. Dhaawaca ayaa isna lagu sheegay in uu gaadhayo illaa 19 qof halka maxbuus ahaan looga qabtay 5 . Dhinaca kale, waxaa ciidanka Soomaaliland laga gubay 2 gaadhi oo kuwa hubka qaada ah 3 kalana iyaga oo badqaba ayaa la keenay magaalada Buuhoodle.

Ciidanka Buuhoodle ayaa dagaalka gelinkii hore ku gacansarreeyay iyagoo gabiahaanba ka sifeeyay ciidanka Soomaaliland dhulkii ay horay ugu soo durkeen tan iyo markii ciidanka Soomaaliland ay ku soo duuleen magaalda Buuhoodle sanadka horraantiisii.

Abbara 12 duhurnimo ayaa ciidanka Soomaaliland iyana soo qaadeen dagaal rogaal-celis ah iyagoo ku hubaysnaa baabuurta gaashaaman iyo ciidan aad u tiro badan oo ay weheliyeen ciidamo beeleedyo gurmad ah oo kakala yimi degaannada ku xeeran jiiddaas dagaalku ka socdo. Dagaalkan danbe ayaa waxaa khasaare dhimaso iyo dhaawc ka soo gaadhay ciidanka degaanka Buuhoodle iyadoo tirada dhimashadu gaadhayso illaa 12 qof dhaawucuna lagu sheegay 20 qof halka maxaabiis ahaanna looga qabsaday 12 qof oo la sheegay in mid ka mid ah maxaabiistaasi uu markii danbe dhaawac u dhintay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidanka Soomaaliland uu horay u soo ruqaansaday haddana ku suganyahay magaalada Sooljoogto, halka ciidanka degaanka Buuhoodlena ku suganyahay degaanka Cumaraji oo aan sidaas uga fogayn Sooljoogto.

Isku soo duuduuboo dagaalkan soo noqnoqonaya ee u dhexeeya ciidanka Soomaaliland iyo ciidanka degaanka Buuhoodle ayaysan jirin cid illaa iyo hadda isuxilqaanday in ay damiso colaadan, halka labada dhinac ee dirirtu u dhaxaysana ay qolawaliba dhinaceeda ugu jirto diyaargarow degaal oo aan waxba laysu reeban.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com